"Geesi dhereb kuma jiro"

Friday, November 26, 2010

Sababta Diinuhu Been u Yihiin iyo Ujeeddadooda












Ilaahey waa kuma?

Ilaahay waa ilaaha awooda badan ee abuuray dunidaan aan ku noolnahay. ilaahey wuxuu abuuray cirka, dhulka, qoraxda, xidigaha, dayaxa iyo wax walba oo noole ah. ilaahey waa abuuraha abuuray dunidaan iyo wax walba. ilaahey wuxuu siiyay dadka caqli oo ay ku fakaraan oo ay wax ku kala gartaan. ilaahey wax ka caqli badan ma jiro.

Dunida waxaa ka jira diimo badan. In kastoo diimaha dunida ay aad u badan yihiin, Diimaha ugu caansan aduunka waxay ka yimaadeen qaaradda Aasiya. diimahaan ugu caansan waxay kala yihiin Kirishtaan, Yahuun, Islaam, Buddhism, Shikhism, iyo Hinduism. Qofkii rumeysan diin ka mid ah diimahaan wuxuu aaminsan yahay in diintiisa kaliya ay tahay diinta saxda ah oo diimaha kale ay been yihiin. Diin walba waxay leedahay nin aasaase ah oo aasaasay diintaas oo baray dadka. Ninkaas wuxuu dadka u sheegaa in uu sido fariintii ilaahey oo wuxuu yiraahdaa ilaahey ayaa isoo diray si aan dadka ugu gudbiyo fariintii ilaahey. Dadka rumeysan diin waxay u yaqaanaan ninka aasaasay diintooda "Nebi".

Waa kuma Nebi?

Nabi waa nin ah aasaase diin. Diin walba waxay leedahay nebi aasaasay oo dadka baray oo faafiyay diintaas. Ninka nebiga ah wuxuu dadka u sheegaa in Eebe uu soo dirsaday oo uu u soo diray dadka. Oo wuxuu sheegtaa in uu wado fariintii Eebe. Wuxuuna isku dayaa in uu diintiisa dadka ka dhaadhiciyo. Nebiga si uu dadka uga dhaadhiciyo diintiisa wuxuu difaac aga dhigaa diintiisa labo sheey oo kala ah Baqdin iyo Balanqaad. Nebiyada waxay u balanqaadaan qofkii rumeeya diintooda in qofkaas uu Eebe geeyndoono Janno. Qofkii diidana wuxuu ku baqlid galiyaa dab(cadaab) oo wuxuu ku yiraahdaa Eebe ayaa cadaab ku geyndoona markaad dhimato sababtoo ah diinteyda ayaad diiday in aad rumeysid. Diimaha oo dhan waxay ku saleysanyihiin baqdin iyo balanqaad. Diin walba waxay wadataa dhaqankii iyo afkii meeshii uu ku dhashay nabiga diintaas. Kitaabka diintaas wuxuu ku qoran yahay luuqadii nabiga diintaas. Magaalada ugu barakeysan ee diintaas waxay ku taalaa wadankii uu nabigii diintaas aasasay ku dhashay. Tusaale ahaan, diinta islaamka magaaladeeda ugu barakeysan waa Mekka oo waxay ku taalaa wadankii uu Maxamad ku dhashay ee ahaa Saudi Arabia. Magaalada ugu barakeysan ee diinta kirishtaanka waa Bethlehem ee ku taal wadanka Israel, waa magaaladii uu ku dhashay jesus (ninka aasaasay diinta kiristaanka ah). Magaalada ugu barakeysan ee diinta Yuhuuda waa Jerusalem ee ku taal wadanka Israel ee ah wadankii uu ka soo jeeday ninkii aasaayay diinta yuhuuda(judaism) ee magaciisa layiraahdo Moses. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Hinduism waa Varanasi ee ku taal wadanka India ee ah wadankii uu ku dhashay ninka aasaasay diinta hinduism. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Buddhism waa Lopburi ee ku taal wadanka Nepal ee ah wadankii uu joogi jiray ninkii aasaasay diintaan ee magaciisa la dhihi jiray Budha. Magaalada ugu barakeysan ee diinta Sikhism waa Amritsar ee ku taal wadanka India. Magaalooyinkaan oo dhan waxay ku yaalaan wadanka uu ninka diintaas aasaasay uu ku dhashay. Diin walba kitaabkeeda wuxuu ku qoran yahay luuqada looga hadlo wadanka uu nabigeeda ku dhashay, maalada ugu barakeysan ee diin walba waxay ku taalaa wadanka uu ninka aasaasay diintaas ku dhashay. Waxaa yaab leh in nabi walba uu yiraahdo diinteeyda ayaa caalamka loo soo diray ayadoo iska cadahay in Diin walba luuqadeeda, dhaqankeeda, taariikhdeeda, iyo astaamaheeda ay ku saleysan tahay tan wadanka uu nabiga diintaas ku dhashay.

Ilaahay iyo diimaha

Aasaase diimeed (Nebi) walba wuxuu ku doodaa in diintiisa ay tahay midda kaliya ee saxda ah oo loo soo diray caalamka oo dhan, marka su'aasha imaaneysa ayaa waxay tahay haddii diintiisa loo soo diray caalamka oo dhan, maxay diintiisa luuqadeeda, dhaqankeeda, taariikhdeeda, astaamaheeda iyo magaaladeeda ugu barakeysan ay ugu salaysan tahay tan wadanka uu nabigaas ku dhashay? Ma ilaahey ayaa dadkiisa kala jecel oo qaarkood luuqadooda, dhaqankooda, taariikhdooda, iyo magaalooyinkooda ka jecel yahay tan dadka kale? Maya saas maahan ee diin walba waa wax uu qof suubistay si uu u helo awood oona u noqdo hogaamiye.

Nebinimada iyo jago raadinta

Diimahaan oo dhan waxaa la aasaasay waayihii hore. Wakhtigii diimahaan la aasaasi jiray maysan jirin wax dowlad ah. Waxaa jiray boqortooyo oo xukumi jirtay dadka. Oo nin boqor ah ayaa wuxuu ahaa qofka ugu jagada sareeya bulshada oo ugu awooda badan. Qofkii aan boqortooyo ka dhalan awood uma lahayn in uu noqdo boqor ama uu qabto jagada ugu sareeysa ee bulshada sida madaxweyne ama boqor. Qaabka kaliya ee qof aan boqortooyo ka dhalan uu u noqonkaray hogaamiyaha bulshada waxay ahayd in uu qofkaas sheegto nebinimo oo uu aasaaso fikrad cusub (diin) si uu dadka u soo raacaan oo uu u helo taageero badan. Nebi walba intuusan diin aasaasin wuxuu iska ahaan jiray qof iska caadi ah oo bulshadiisa ku dhex nool laakiin markii uu diin cusub la soo baxay ayuu wuxuu noqday hogaamiyihii ugu sareeyay bulshadiisa sida boqorka uu ahaan jiray. Nibankaan nebiyiinta ah waxay rabeen jago wayna heleen markey diin aasaaseen oo waxay heleen jagadii ugu sareysay ee bulshadooda.

Maxamad wuxuu ahaa noocaas oo kale. Maxamad intuusan diin aasaasin wuxuu iska ahaa qof caadi ah laakiin markuu diinta islaamka aasaasay oo uu nebinimo sheegtay ayuu wuxuu helay jago oo wuxuu noqday hogaamiye sare. Dadka qaarkood jagada way jecel yihiin, tusaale ahaan Jeneraal Cabdullahi Yuusuf Axmed wuxuu u halgamayay laga soo bilaabo 1978 ilaa iyo 2004 si uu u noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Jeneraal Cabdullahi Yusuf wuxuu noqday madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2004 , Cabdullahi Yuusuf waxay ku qaadatay mudo 30 sano ku-dhowaad ah inuu madaxweyne noqdo laga soo bilaabo markii uu halgan u galay ee aheyd 1978 markuu aasaasay jabhadii hubeysneyd ee SSDF.
Nebiyada waa jago doon oo way dagaalamaan ilaa iyo inta ay jagada helayaan, taasna waxaa tusaale u ah Maxamed oo dagaalamayay mudo 20 iyo dhowr sano ah.

Maxamad iyo jago

Dadka qaarkood ayaa waxay ku doodaan in maxamad uusan jagodoon ahayn oo waxay dhahaan odayaashii qureysh ayaa maxamad ku yiri maxamadow waxaad wado joogi jago iyo wax walba oo aad rabto anagaa ku siineyna. Haddaba Qofkii ku dooda maxamad jagodoona ma ahayn, su'aalahaan ayaan u hayaa:
1. Maxamad hogaamiye ma ahaa ka hor inta uusan sheegan nebinimada? jawaabtu waa maya.
2. maxamad markuu aasaasay diinta islaamka oo uu nebinimo sheegtay hogaamiye ma u noqday dadkii rumeeyay? jawaabtu waa haa.
3. maxamad markuu candhuuf tufo soo dadka isma mar-marin jirin candhuuftuu tufo? jawaabtu waa haa sababtoo ah xadiisyo ayaa sheegaya sidaas. Orod oo wadaad soo weydii arintaan haddii aad been u maleysid.
4. maxamad ma helay jagadii ugu sareysay oo ma noqday hogaamiyihii ugu sareeyay kadib markuu nebinimo sheegtay? jawaabta waa haa.

waxaa dhici karta in ay dadka qaarkood ku doodaan sidaad: "Maxamad haddii uu jagodoon ahaan lahaa muxuu u raaci waayay odayaashii qureysh markey ku yiraahdeen Maxamadow nebinimada aad sheeganeyso iskadaa anagaa ku siineyna jago iyo wax walba oo aad rabtid"? Jawaabta su'aashaan waa, haddii uu maxamad yeelilahaa codsiga odayaasha qureysh oo uu joojinlahaa nebinimada uu sheeganayo si uu jagada loo balanqaaday uu ku helno, markaas wuxuu weyn lahaa taageerada dadkii rumaysnaa in maxamad uu yahay nebi, oo dadkaas waxaa u cadaan lahayd in maxamad uu been ka dhaadhiciyay markaasna kalsoonida ayey kala noqonlahaayeen. maxamad haddii uu nabinimada ka soo tago si uu jago u helo, ka waran haddii odayaashii qureysheed ee maxamad u balanqaaday in ay siiyaan jago ay kala noqdaan balanqaadkii oo ay ku dhahaan maxamadow jago kuma siineyno waxaan rabnay kaliya in aad waxa aad wadid ee ah nebinimada aad joojisid. Maxaa ku dhici lahaa maxamad? Meel cidlo ah ayuu soo istaagilahaa oo labada dhinacba oo kala ah nebinimada iyo jagada loo balanqaaday wuu weynlahaa oo sharafta ayaa ka dhici laheyd. Sidaas daraadeed ayuu u diiday jagadii loo balanqaaday.


Nebinimo iyo caqliga Ilaahey iyo caqligaaga

Marka ugu horeysa intaanan ka hadlin caqliga nebinimada iyo sheegashadeeda. Su'aalahaan ka jawaab.
1. Ma rumaysan tahay in uu Eebe caqli badan leeyahay? Aniga jawaabteydu waa haa. Adinaga?
2. Eebe ma Eebe cadaalad ah baa? Jawaabteydu waa haa. Adigana?
3. Eebe haddii uu cadaalad yahay dadkiisa ma kala jecel yahay? jawaabteydu waa Eebe dadkiisa kalama jecla.
4. Ma kula tahay in qof bini'aadan ah uusan Eebe kaa xigin maadaama uu Eebe yahay cadaalad? Jaawaabteydu waa Eebe cidna igama xigto.
5. Ma kula tahay in Eebe uu yahay gumeyste? jawaabteydu waa maya.

Maxamad wuxuu nebinimo sheegtay markuu jiray 40 sano wuxuuna dhintay asagoo jira lixdan iyo xoogaa sano. Maxamad wuxuu faafiinayay diintiisa mudo labaatan iyo dhowr sano ah. Labaatankaas sano wuxuu joogay oo ku faafinayay dhulkii uu ku dhashay ee ahaa sacuudi careebiya. Wuxuu joogi jiray labada maagaalo ee kala ah Mekka iy Madiina. Quraankana wuxuu u qaybsan yahay mekaad iyo madiinaad. Maxamad wuxuu sheegay in suuradaha quraanka qaarkood asagoo Mekka jooga ku soo dageen, qaarka kalena ay ku soo dageen asagoo jooga Medina. Haddaba adiga ma kula tahay in Eebe uu fariintiisa u soo dhiibtay nin bini'aadan ah oo aan awood u laheyn in uu qaarad walba oo dunida kutaala uu aado si uu dadka ugu sheego fariinta Eebe? Maxamed carabi kaliya ayuu ku hadli jiray, sacuudi carabiya ayuu waligiis joogay oo qaarad kale ee adduunka ka mid ah lama sheegin asagoo aaday. Eebe intaas wuxuu ka caqli badan yahay oo sooma dirsado qof bini'aadan ah sida maxamad oo kale.

Tusaale ahaan: ka soo qaad in madaxweynaha soomaaliya uu rabo in uu fariintiisa u gudbiyo dadka soomaaliya ku nool oo dhan. ka soo qaad in qofwalba ee soomaaliya ku nool uu sitto reediyow daaran oo batarigiisa buuxa. Marka qaabkee ayuu madaxweynaha soomaaliya ugu gudbinkaraa fariintiisa dadka soomaaliya ku nool oo dhan? Madaxweynaha asagoo awood u leh in uu fariintiisa ka soo gudbiyo raadyaha, ma kula tahay intuu raadiyaha iska dhaafo in uu qof lugeynaya soo diro si uu fariintiisa u gudbiyo? Taas waa caqli xumo wayn. Haddii uu madaxweynaha caqli leeyahay radiyaha ayuu isticmaali lahaa si uu u soo gudbiyo fariintiisa. Haddaba ilaahey asagoo awood u leh in qof walba uu gaarsiiyo fariintiisa halmar. Ma kula tahay in uu qof soo diri lahaa haddii uu yahay ilaah caqli badan? taas waxaa kuugu cad in nibankaan nebinimada sheegta ay kaligood isa soo direen oo Eebe soo dirin. Eebe caliga ma la'a ee waa Eebe caqli badan.

Waxaa dhici karta in dadka qaarkood ay ku doodaan sidaan: "sababta uu ilaahey nebiga ugu soo diray dadka waa ilaahey wuxuu ka wadaa imtixaan oo dadka ayuu imtixaamayaa" . Qofka sidaan ku dooda waxaan u hayaa su'aal fudud oo ah "Ilaaha aad sheegeysid ma ilaah raxaaris badan baa oo badbaadiye ah"?

1. Haddii uu naxariis badan yahay ilaahey muxuu dadka aga badbaadinwaayay naarta maadaama uu ogaa in dadka qaarkood uu cadaabi doono?
2. Haddii uu ilaahey naxariis badan yahay oo uu rabay in dadka oo dhan ay caabudaan muxuu qalbigooda ugu beeriwaayay si uu aga badbaadiyo cadaabtiisa?
3. Ilaahey ma rabaa in uu dadka cadaabtiisa ka badbaadiyo mase wuxuu rabaa in uu qarkood cadaabo?
4. ilaahey ma mid naxiis daran baa oo intuu dadka abuurto hadana cadaabaya?
5. ilaahey ma wuxuu ku raaxeystaa cadaabta dadka uu abuurtay?
6. ilaahey ma badbaadiye baa?
7. ilaahey ma carabta iyo af carabiga miyuu ka jecelyahay dadka kale iyo luuqadahooda?
8. ilaahey ma wuxuu kuu abuurtay adigoo qof soomaali ah in uu kugu imtixaano qaadashada diin ama fikrad dhaqankeedu, afkeedu, taariikhdeedu, astaameheedu iyo magaaladeeda ugu barakeysan ay tahay Carab iyo bariga dhexe?
9. ilaaha qoomiyadaha kala jecel ma ilaah cadaalad ah baa?


Walaal, Eebe waa Eebe cadaalad ah oo aan qofna kaa xigin xattaa nebi. Eebe jid loo soo maro ma leh ee qof walba ayaa baryi kara. Eebe maahan adoonsade dadka u abuurtay in uu adoonsato si ay u caabudaan. Caqligaaga isticmaal oo diimahaan lagaa dhaadhiciyay ku fiiri indho cusub iyo maskax furan iyo caqli. Caqligaaga isticmaal. Fakar oo dhaqankaaga iyo afkaaga iyo magacyada soomaaliga ah iyo labiskaba maahan in aad qaatatid wax dhaqan kale laga keenay ee la diimeeyay. Diimaha oo dhan waa sheeko baraleydii dadkii hore oo waa wax dad jago doon ah suubisteen. Diimaha waa caqli xumo oo Eebe ayey u ekeysiiyeen Eebe adoonsade ah.

Xigasho: Degelka Baarista Quraanka

4 comments:

  1. Ciyaalkow Su'aalo Badan Oo aad is waydiisay maqaalkan Adiga ayaa isaga Jawaabi lahaa Hadii aad is Dhiibi lahayd,
    Ee Su'aashu Waa Horta Ilaah majiraa Mise Waa Maya? Hadii Jawaabtu tahay Maya Koonkan Yaa Sameeyay,?
    Bigban buu Ku yimid Hadii aad leedahay hadaba bigban caqlibadnaydaa xageese walxahan qarxay ku aruursanaayeen,.!!!!!!!!!!!.

    ReplyDelete
  2. Waad ku mahadsan tahay aragtidaada. Waan soo dhoweynaa ra'yiga dadka.

    Adiguse gaar ayaad tahay. Waxaad ka hadlayso ma aqaan, adna in aad taqaan ma filayo. Waxaad wax ku hoos qortaa maqaallada degelka adiga oo aan hubin ra'yigaaga iyo ujeeddadaada midna. Maqaalkaan mar kale akhri, waxaad ogaan doontaa in degelka Baarista Quraanka uu ka yimid oo "bigban" iyo wax ku saabsan ku jirin.

    Malaha waxaa gudboon in aad degel Islaam ku saabsan la socoto; haddii aad rumaysan tahay jirista eebbe ama eebbeyaal, ama haddii aad "isdheebaysid", iyo haddii kale intaba. Aragtida guud ee degelkaanu waa mid sir iyo caad saarnayn oo cad.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  3. ciyaalka xaafada caqli malihid weel maran baa tahey bal dib u fakar oo maxaa maalinkasta qof u dhinta qofna u dhasha ,maxaa maskax laguugu galin waayey ama wadna cusub oo brand new ah oo packet ku jira maxaa wiil iyo gabar marba kii aa rabtid adigu u sameysan weydey maxaa nolol cusub oo bac ku jira loo sameyn waayey yacni neef.

    ReplyDelete
  4. Maqaalkaan qofka qoray waxa uu meesha keenay waa wax loosoo dhiibay amase uu tarjumay. Ma aha wax nagu cusub oo iyadoo afaf kale ku qoran baanu inta badan aragnaa. Waxaase la yaab leh hadii wax uu qoray ay tahay wax isaga maskaxdiisa ka yimid muu haysto muxuu dadka Soomaaliyeed oo Muslimiinta ah ugu dhibaataynayaa aflagaadada diintooda iyo nabigooda? Mise isagaa raba in uu noqdo nabi cusub oo u soo baxay diinta Athiesm-ka ileen iydaduba waa diin inkastoo ay Ilaah diid tahay. Nin baa hada ka hor yiri "Qof somali ahi dar Allah uma gaaloobo ee dan buu leeyahay". Qoraaguna arinkaas kama foga siday ila tahay.

    ReplyDelete