"Geesi dhereb kuma jiro"

Friday, March 27, 2015

Cambaarayntii Iswiidhan: Iinta Dawladda Soomaaliya

War-murtiyeedkii Wasaaradda Arrimaha Debedda Soomaaliya soosaartay 24kii bisha Maarso (2015) oo lagu cambaareeyey Iswiidhan oo ku saabsanaa dhaleeceyn xad-gudub aadmiyeed ay fashay dawladda Sucuudi Careebiya baa amakaag ku curiyey bulshoweynta Soomaaliyeed. Waxay bulshadu ogsoon tahay barnaamijyada Soomaali-saaca ah oo ay Iswiidhan tartay Soomaalida halligantay; iyo dhanka kale; takoorka, quursida iyo bahdilka dawladda Sucuudigu ku la kacay dad Soomaaliyeed oo dalkeeda nolol biday balse loogu jawaabay si baxsan xeerhoosaadka aadmiyeed. Haddana waxaa la og yahay dhaleeceynta joogtaysan oo hay’adaha u dirira xuquuqda aadmigu ay Sucuudiga ku oogaan iyo Iswiidhan oo ah dalalka dunida ugu hor-u-marsan dhanka xuquuqda aadmiga. Sedbursiga Sucuudiga yaal baa ka masuul ah in dad u dhashay dalkaas barwaaqada gaaska laga helay u cararay waddanno Iswiidhan ku jirto oo nolol ugu barobaxay.

Dhoylaawennimo iyo ismoodsiis waa meel’e, ka la duwanaanta labada dal (Sucuudiga iyo Iswiidhan) waa kaaf iyo ka la dheeri, inta ay ka la duwanaantaasu Soomaali ahaan noo leedahay waa ay caddahay. Bilmesal habka Sucuudigu uu sida duurjoogta si ka daran ula dhaqmay hooyooyin Soomaaliyeed, dib-u-celinta dad dagaal ka soo qaxay, iyo inta sagan uu muujiyey waa arrimo dad badan oo Soomaaliyeed ku baraarujiyey in uu jiri karo isir-nacayb heerkaas gaarsiisan. Sucuudigu ku ma qasbana taakulaynta dadka dalkooda soo burburiyey, xigto la ma aha Soomaalida isir ahaan (in kasta oo dadka qaar haasaawe ahaan taas ku beerqabowsado), Iswiidhanna waa la mid dhankaan waxaa se ka la geeya ilbaxnimo iyo garawshe aadmiyeed. Waa qodobkaas dambe waxa kulmiya dadyowga dunida ama ka la sooca oo u dhexeeya Soomaaliya, Sucuudi Careebiya iyo Iswiidhan. Waa isla qodobkaas mid la xiriira ka ay dawladda Soomaaliya war-murtiyeed ka soosaartay. Kaas oo aad iyo aad u qaab daran oo u muuqda oraah aan laga fiirsan oo aan laga baaraandegin iyo ogaan la’aanta dad loo dhiibay hawl ay kasmo u lahayn.

Iswiidhan waxay mudan tahay bogaadin habka qurxoon oo ay uga dhiidhiday dooxatada Sucuudiga. Waxay mudan tahay mahadnaq ku aaddan qaabka ay dalkeeda ugu soo dhoweysay dad soo qaxay. Waxay mudan tahay abaal. Waxay leedahay dhiirrinaan ku dayasho mudan oo lagu hirtay si weyn. Iswiidhan inta ay u qatabay Soomaali cid u qabatay, oo ay dawladda Muqdisho ku jirto, waa yar yihiin. Gayllanka Iswiidhan ee kobcinta xuquuqda aadmiga ayey ahayd in Soomaaliya taageerto maadaama Soomaalidu ka buuxdo gaalshire dalal badan oo u baahan yihiin xuquuq la duudsiiyey. Dawladda Soomaaliyana waxay mudan tahay CAMBAARAYN weyn oo ku aaddan sida ay addoon ahaan ugu dhaqantay oo ay Sucuudiyiinta ugu ekeysiisay gumayste ay ka amar-qaadato ayada oo aan u turayn danaha dadkeeda. Dal madaxbannaan sidaan uma dhaqmo.

Sucuudi Careebiya waa dal ay taliska u hayso koox isku qoys ah oo bulshadu u tahay la-haysteyaal la laaluusho. Gaaska reer Galbeedku u soosaaray ka hor waxay ahaan jireen dad nolosha ku liita oo isu layn jiray qabiillooyin qarniyo badan. Waxaa dhaqaale u ahaa dakhliga ka soo xarooda Xajka. Waxaa lagu xifaalayn jiray reerbaaddiye/maangaab oo lagu xaman jiray, gaar ahaan Masaaridu, in ay weligood ilbixi doonin. Haatan waxay bilaabeen dhismaha Magaalada Boqorka oo lagu kharash gareeyey boqol bilyan oo doollar si dadkoodu aayaha u ilbaxo.

Haddii dadku qaar ku andacoodo diin baa naga dhexaysa, waxaa hubaal ah Sucuudigu in uu maalin qur diinta ka bixi lahaa haddii ay dan ugu jirin oo u danaysan lahaa dhan kale, waa dareen saaran daymaha iyo dibnaha in ay dan ahaan u haystaan diinta oo waa ogaal guud ahaan bulshada Sucuudi Careebiya taqaan. Boqollaal kun oo ardayeed baa Sucuudigu u diray dalalka reer Galbeedka si ay waxbarasho u soo qaataan, soo-laabashada dhallaankaas baa durba daaha ka feyday tiro sii-hanaqaadaysa oo ka baxay diinta Islaanka dalka Sucuudiga oo u arkay sheeko-badoweed beexaantay, taas oo Boqortooyadu u xeerisay in diinlaawennimo tahay argaggixisonimo sababta oo ah diintu waa danahooda oo loo adeegsadaa tab iyo xeel ay dawladaha Carbeed ee wada cambeereeyey Iswiidhan ee Soomaaliya ku jirto ay wadaagaan oo bulshooyinkooda ku maamulaan. "Haddii [Boqortooyada Sucuudigu] dan u aragto in Buudhiisim dalka lagu maamulo, waxay ku dhaqaaqi lahayd hal dharaar," waxaa yiri aqoonyahan u dhashay ayaga.

Labada dal, iyo guud ahaan Bariga Dhexe iyo Iswiidhan, waxaa ka dhexeeya isjiijiid siyaasadeed iyo dhaqaale. Tusaale ahaan cududda ganacsiyeed ee labada dal wuxuu u dhigmaa hal bilyan iyo bar. Dhanka kale, maadaama Iswiidhan gaarnimo u leedahay danaynta xuquuqda aadmiga ayaa waxay u codaysay dalnimada Falastiin oo ka caraysiiyey Israa’iil. Soomaaliya Iswiidhan la ma leh yooyootan ama iskaashi dhaqaale. Danta labada dal waa saacidaad un. Dawarsato dookh ma leh.

War-murtiyeedkii Wasaaradda Arrimaha Debedda ay ku dhaleeceysay Iswiidhan baa ahaa shaabbad kale oo lagu dhuftay baalka weyn ee ay ku yaallaan tabashooyinka bulshadu ka tebanayso dawladdaan lagu hungoobay, dawladdaan hab-dhaqankeedu liidnaanta astaamaysan yahay oo waxay tahay la garan kari waayey oo ka agnaan ah hannaanka dawladeed iyo hawlaha bulsho uga fadhido dawlad ahaan. Arrintaan waxay taransan tahay “ku-la-jire kaa-la-jire” ay dawladda Soomaaliyeed la safatay kuwii bulshadeeda laadka la dhacay oo ay weliba ugu sacabbo tumayso.

Waxaa tiro goostay iimaha dawladda Soomaaliya leedahay oo tafiirgooyay kal-furnaantii loo hayey markii la yagleelay. Taddawur ay higsato waa’ hore baa laga quustay oo waxaa weli tuban dadkii tafantoofay oo gees ka daawanaya, iyo habacsanaanteeda, ama dhoysas maamul loo dhiibay oo dhukay dhego gufaysan iyo indhooleyaal tahantoogtay oo aan hawadin karin hawlaha arlada.

Hawlwadeennada Wasaraadda Arrimaha Debedda ma ogsoon yihiin in Iswiidhan bixiso mushaarka askarta ilaalisa? Ma ogsoon yihiin in Sucuudi Careebiya soo xawishay aydiyoolojiga argaggixisada u oomman dhiiggooda? Ma ogsoon yihiin in bulshadu ka rajo-beeshay oo meesha ay joogaan lilan tahay? Mise wax ay og yihiin baa iska yar oo ay iintu ugu horrayso?

Dawladda maanta waa lohod aan lahayn laf iyo ricir. Sidaas darteed haddii ay wax kale qaban weyday, oo ay weliba ka gaabisay gaaridda dhaqaaqjoogeyaashii Ku-Meel-Gaarkii ay beddeshay dhowr gu' ka hor, ha ogsoonaato ugu yaraan in ay ergo tahay. Waxay dharaarmaalisay sandareerto Iswiidhan u sadqaysay danyarta leelleelku haleelay leelleeltirnaansho ahaan. Kistaas oo la’aanteed har cad lagu ugaarsan lahaa rugaha ay Muqdisho ka deggan tahay lagu na tirtiri lahaa. Kista na waxay ku dartay gardarro iyo gef malaha ayada oo naawilaysa gacanqabasho marka doorasho timaaddo hase yeeshee waa tallaabo ka mid tallaabooyin dawladdaanu qaadday oo amakaag miiran leh.

2 comments:

  1. Ciyaalka xaafadda waxaan aad uga heli jiray af-soomaaliga sida aad u dhowrto. Halka aad ka tiri -war-saxaafadeed waxaan ka jeclaa in aad qorto - war-murtiyeed.

    ReplyDelete
  2. Somali ban ahay, laakin kommentkaan English ayan ku qori.

    I'm an ex-Muslim Atheist myself and I'm incredibly fascinated by your posts and your blog in general. It really is an insightful and rewarding read. Do you have a subscribe button? If not, you'll have to download a subscribe plugin so that I and many others can follow you!

    I do have a blog of my own as well and it would be a privilege if you could follow and perhaps read it as well

    www.hanadbowele.com

    ReplyDelete