"Geesi dhereb kuma jiro"

Thursday, October 1, 2015

Xasan Sheekh Ma Fiyoow Yahay?

Su’aasha waxaa dhaliyey gorfaynta dhaqanka madaxweynaha. Arar ahaan ma aha su’aal wacan oo qof laga keeno, ha ahaatee kolkii la dhaadey gabaarageddigii saddexdii gu’aad ee Xasan Sheekh hoggaaminayey dalka ayay isu soo buuraysaa su’aal mudan. Waxaa laga baxay ku-meel-gaarkii waxaa se muuqda wax ka sii liita, waxaa dhisan baa la yiri dawlad rasmi ah waxaa se muuqda “wax dawlad u eg”, waxaa la qabay yididdiillo oo waxaa beddelay qarracan. Ballanqaadyo loo sameeyey bulshada ayaa noqday hal bacaad lagu lisay oo talis-ku-sheeggu hawadin waayey, oo dheeftii lagu han weynaa isu rogtay anfariir, wax badan oo la sugayey baa ahaan kari waayey.

Madaxweynaha waxaa ka muuqda isbeddel oo waa gaboobay si dhakhso ah. Waa maxay shiidaadda gaboowsiisay saddex gu’ oo wax la qabtay oo la taaban karo ay jirin? Haa, waxaa jira musuqmaasuq noqday astaanta dawladda iyo nin toocsi ama eex bareer ah oo aan gabbasho lahayn oo aan noocooda horay loo arag oo ka turjuman han yaraanta dadka talada dalka looga dambeeyo joogtada maanta. Ma waxaa cimri deddejiyey intaas iyo degmooyinka argaggixisada UGUS laga saaray oo uu booqday iyo beelaha uu ka dhoollo-caddeeyo? Maya ee waxaa ku cuslaaday shaqada magac-u-yaalka ah ee dawladdeenna liiqliiqato oo dellegtay durba.

Doorashadii ra’iisal wasaarihii koowaad ee Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” (Oktoobar, 2012) ee Xasan Sheekh dalka u dooray ayaa waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “inta aan eersan lahaa nin la ii keenay, waxa aan eersanayaa nin aan aqaan”. Doorashadii ra’iisal wasaarihii labaad (Deseembar, 2013), C/Weli Sheekh Axmed, waxaa madaxweynuhu yiri “waxa aan ka la soo dhex baxay afartan siyaasi”. Tiraabaha waxaa ka muuqda dhayal iyo in aan laga fiirsan. Wax ka dharban ma leh hadal beeg la’. Qof hawshiisa yaqaan oo ummad dhan oo malaayiin ah hoggaamiya sidaas uma hadlo. Hadal masuul ma aha. Doorashadii ra’iisal wasaarihii saddexaad hadalkii uu yiri dad badan dhageey-jalaq uma siin. Hadalka madaxweyne waa in uu tan leeyahay, tayo leeyahay oo keni-adkaan yahay, oo tixraac iyo milge hogotusmeeyo.

Xasan Sheekh dalka ka ma bixin muddadii dagaallada sokeeyeed sidaas awgeed ma hanan ilbaxnimada adduun-aragga ay Soomaalidu la kulantay. Ilbaxnimada Soomaalidu aad ayay u liidataa, saykooloji ahaan na dhaawac baa gaaray maanka Soomaaliyeed dagaalladii daraaddood oo madaxweynuhu na dadka ka la simman yahay. Gaabintiisu intaas ayay marmarsiinyo ka dhigan kartaa. Siyaalahaas baa lagama maarmaan ka dhigay in la xusho ruug-caddaa siyaasadeed debedda ka yimid.

Waagii hoggaankiii askarka markii dadkii iyo dawladdii ka la irdhoobay siddeetameeyadii waxaa la oran jiray “Siyaad Barre Ha Dhaco!” Waagaas oo mugdi lagu sii luudayay ayay jirtay yididdiillo in la hanan doono hoggaan wanaagsan oo xeeleeya dhaqaale darridii sababtay dagaalladii burburka. Ma wanaagsana mucaaradayn joogtaysan haseyeeshee ayaandarro Soomaaliya abidkeed ma ayaansan talis loo bogay. Dabayaaqadii siddeetameeyaddii madaxweynihii dalka waxaa saameeyay gaboow muruq iyo maan, waxaa la waayey astaan dawladnimo, oo la garan waayey cidda talada dalka haysa. Hoggaankii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaankii Soomaaliyeed ayaa ku koobmay madaxtooyada. Hay’addii daabacday dhambaallada dimlomaasiyeed (WikiLeaks) waxay baahisay dareenkii madaxdii golaha sare ee ku saabsanaa tuhun ahaa madaxweyne hawl gabay maskax ahaan oo aan dalka maamuli karin, siddeetan iyo shantii ayuu tuhunku bilowday.

Madaxweyneheenna dhuyaal badane waa garan waayey himilada dadka iyo tabaha hoggaanka wanaagsan oo dalku u baahan yahay. Saddex sano wax badan baa qof lagu bartaa. Gaboowga iyo timo-buubka ka muuqda Xasan (“I can’t believe I’m a president!”) Sheekh waa laylis dhan. Biiraalaha TIME ayaa sannadkii 2013-kii Xasan Sheekh ku daray liiska boqolka qof ee dunida ugu saamayn badan. Haatan waxaa xaajo timid “ma fiyoow yahay?” Qaabka uu shaqada ugu dhiiqooday, duqoowga iyo tixraaca tusaalooyin taban jawaabtu waa maya!

Tilmaamaha hoggaankeenna dhimaalan waxaa ka mid ah in uu toddobaad dhan ku jiro Villa Soomaaliya oo ay jirin hawl dawladeed iyo dhaqdhaqaaq toona. Toddobaadka xiga waxaa la daawadaa qaabbilaad qosol ku dhan oo loo sameeyay wufuud shisheeyeed. Toddobaadyada bisha halkaas ayay ku eg yihiin teer iyo bisha kale oo sidaas gu’aalkii saddexda ahaa ku idlaadeen. Waa tabtii dabayaaqadii siddeetameeyadii. Waxaa ka sii daran Faarax Cabdiqaadir [madaxweynaha aan rasmiga ahayn] oo baal ka soo amaahday xisbiga EPRDF ee Itoobiya, gaar ahaan, xeesha ugu liidata hab maamulkiisa, iyo tuugo daaha gadaashiisa ku lammaan.

Haddeerto waxaa soo baxaya astaamo ah in Xasan Sheekh ismooday hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunka na ku haysta si kelinnimo ah, tashi la’aan. Sid-dhoweyn kale iyo 2016-ka waxaa u cad laaluushidda joqorreyaasha baarlamaanka si loogu yumbado dhiiqada. Tijaabadii ahayd dal ha toosiyo waa dhammaatay haatan na leeyahay “Ha la ii gu daro”. Hubaal ma fiyooba!

Wakhti badan baa khasaaray oo hanti badan baa la lunsaday saddexdii sano oo la soo dhaafay, taageeradii dhaqaale oo loogu talo galay dawladda curdanka ah waxa ay ku dhaaftay musuqmaasuq, waxaa na jirta lacag dalka loo yaboohay oo dalal kale qaatay. Hororkii dawlad la’aantu weli waa aloosan yahay oo diric lagu diirsado beesha ma joogo. Daarihii burburay oo madaxtooyada agteeda ku yaal weli sidii ayay u foolxun yihiin, talisku iin uma arko oo maba garawsana, gu’yaal badan na mid garan doona uma eka. Gungaar kale baa tibaaxay in madaxweynuhu iska dhaadhiciyay in uu siyaasi weyn yahay oo maareyn karo qaabka uu uga gudbi doono doorashada la saadaaliyay. Sida uu isu arko waa si yaab leh. Qof wanaag samofalay oo hawl cajiib ah qabtay ayuu isu arkaa.

Xasan Sheekh ayaa ku yimid nicii Sheekh Shariifkii ku-meel-gaarka. Naca haatan lagu kulaalayo afjarka soo food leh waxaa ka dhalan kara ku ka daran, haddeer se maanka bulshada ayay ku jirtaa in ku ka daran jiri ba karin.

Bishii Oktoobar sannadkii 2014-kii waxaa cirka isku shareeray bareerihii laalay ra’iisal wasaarihii labaad iyo qalalaasihii laaluushka dhuuniyaasha baarlamaanka. Isla goorkaas waxaa xeebaha Xamar lagu ciyaarayay ciyaarta la yiraahdo “waalo” oo laga ciyaaro gobolka Hiiraan. Haddana waxaa dhimatay dhalinyaro u bayhoofay baaxad sooreyaasha lamadegaanka si ay u galaan dalalka Galbeed. Isla haddana waxaa gardheereyaal Wahabi ah maanka ka xaleen carruur ay dhaleen haween ku nool Galbeedka oo lagu oogay falal argaggixisonimo. Haddii aan Soomaali nahay maxaa ba noo haray garasho ahaan? Dawga curan iyo dunida maanta mid na waxaasu door ku ma leh. Ayaandarrada koowaad waa hab nololeed raad ku leh reerguuraanimada, leh; “iska nooloow, iska cun, iska guurso, iska dhal oo iska dhimo”, oo kan dunidaan maanta ee leh “haddii aadan dunida wax ku soo kordhin adiga ayaa siyaado ku ah”, la taag ahayn, waa sedka nolosha Soomaalidu adduunyada ku leedahay oo daaran han yari iyo hadimaale. Dal cagihiisa ku taaga waxaa ka horreeya dad cagihiisa ku taaga.

Dhaqanka Soomaalida ayaa baraarujiya isku-tiirsanaanta hantiwadaagnimo ee bidixda fog oo ka-soo-horjeedda deeqtoomidda midigta fog dhaqandhaqaale ahaan. Adduunyada maanta saboolnimada ama hodantinnimada bulsho waxay ku salaysan yihiin hadba dhaqanka qolo leedahay. Dhaqan dhaleecaynta iyo ku dhiirrashada isbeddellada socotada nolosha aadmiyeed waa guubaabada ka maqan dhaqankeenna ku raagay reerguuraanimo oo ka masuul ah qaab darrida Soomaalida maanta. Xasan Sheekh halkaan buu ku soo baaluqay. Dukaan ma maamuli karo. Ilmirigle ismooday itaal weyne ayaa malloollinnimo la yimaada.

Ummadda daashay waxay u hangal taagaysaa talis firfircoon oo ititibiya oo araareeya oo darxumada ka bixiya. Indheergarad u iftiimiya nolol aaran ah oo magaceeda iyo maankeeda suga, waxay sugaysaa miigganaanta Paul Kigame oo kale. Paul Kigame markii uu ku guulaystay nabadaynta iyo soo-kabashada Ruwaanda ayuu kiraystay hay’ad ku xeeldheer sumcadda oo xayeysiisay magaca Ruwaanda. Waxaa kobcay maalgashi dalka ka dhigay dalalka Afrika ugu dhaqaale iyo nolol roon. Dabadeed waxaa dakhli ahaan toban jibbaarmay maalka uga baxay hay’adda sumcadda dalka kor u qaadday oo ii-dheh u samaysay.

Kunka iyo labada boqol oo erey oo kor ku qoran doodda lagu ma ekeyn karo. Saadaal wacan ma muuqato. Maanka Xasan Sheekh waa ayaandarro ku habsatay Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment