"Geesi dhereb kuma jiro"

Friday, January 1, 2010

Allah Ma Jiro!

Lama arag caddeymo dhab ahaan u muujiyey ahaanshaha ama jiritaanka "Allah". Jiritaanka Allah waxa uu ka dhigan yahay oo kaliya dad yiri wuu jiraa. Aaminaadda "Allah" waa been dadka la baray oo iskuul loogeeyey ee maaha wax ay ilmogaleenka hooyadood kala soo baxeen. Cabsidiisa, wanaaggiisa, jiritaankiisa, iyo caradiisuba waa been fidday. Beentu kolka ay fiddo ee ku faafto bulshoweyn waxay isu rogtaa mid la rumaysto. Waxay diin-ku-sheegga Carabtu beentaas xijisey cabsi iyo dagaal.

Wahaabiga dhiigga waray gees walba ee dunida Muslimka ah wuxuu ka dhigan yahay tebidda awooddii Carabtu lahayd Islaamka bilowgiisii. Waxay u dagaallamayaan in siyihii waagaas loo laabto oo iyagu itaal buuxa yeeshaan inta kalena iyaga addoon u ahaadaan. Sucuudigu waa saldhigga Wahaabiga, balaayiin doolar ayuu ku bixiyey faafinteeda si uu dhulal fogfog ugu soo dabaalo Carabaysi. Wadaaddo Wahaabi ah oo uu khatar soo food leh u arkayey ayuu heshiis kula galay inay bannaanka u dhoofiyaan diintooda xagjirka ah si dalka gudihiisa dagaal iyo dhiig looga badbaadiyo. Masaakiin badan ee dunida ku nool ayaa la hoosdhigay buugaag si sare oo qurxoon u qoran ee uu Sucuudigu ugu talogalay faafintaas. Qofka Wahaabi noqda isbeddel weyn ayaa ku yimaada oo wuxuu dhinac walba ka shabbahayaa Carabta, sida gar weyn, surweel kubabka an gaarsiisneyn, u tafaxaydasho arrimaha Barigga Dhexe, islaweyni dhanka dadkiisa, iyo kuwo kale. Wahaabiyiintu Muslimka kale uma arkaan Muslim dhab ah, isla mar ahaantaasna, baneeyeen dhiiggooda.

Wax aan jirin (Allah) iyo nin Carab ah (Maxamed) oo waa hore geeryooday ayey qaybo badan oo dadyowga adduunku nolosha ku beerdarreeyaan. Wahaabiga iyo dhaqankiisa ku dheggan Islaamkii hore waxay baraarug u noqon doonaan dad badan oo hurda oo u dheelitirayaa beenta lugu maan-addoonsanayey qarniyo tiro badan. Islaam waxa uu yahay iyo wixii uu ahaan jiray ayuu Wahaabigu tibaaxayaa. Argaggax, dhiig quban, nolol liidata oo waalli ah, caro iyo nacayb adduunka oo dhan, iyo dhammaan beenta Allah ee dadka lugu maan-dilay ayuu Wahaabigu iftiiminayaa. Dadku waxay bilaabayaan su'aalo la xiriira wixii dhab iyo dhalanteed ah ee dhaqan Carbeedka la diimeeyey ee Islaam. Ugu dambeyn, waxay ogaanayaan in Allah uusan jirin. Khatarta ugu weyn ee uu Islaamku la kulmayo waa aqoon iyo xornimo qofeed.

(Ignorance and poverty are two elements which religions gestate.)

8 comments:

  1. ashhadu anlaa ilaaha ilalaahu wa ashhadu ana muxamad rasuululaahi.
    illaaah baa ku mahadsan awoodada ku koobay in aad tahay uun yaa sheydaan al insi.
    jiraanka allaah ayaad inkireysaa waxa kuu geeyay arintaas waa kibir iyo adduun jaceyl gaalo ayaad wax uga rabtaa illaah baan ku dhaartaye ma heli doontid waxan wixii rabi swt kuu qoray ka aheyn laakin ogsoonow in aad gaalada ka dhigatay allaah aad caabudo ama waxa aad sidaan u sameyneyso ayaad caabuddaa..
    rabi adiga kaaga baahna in aad caabudid ee adiga baahan amarada ku siinayo oo dhan waxay ku qotamaan sidaad u heli waxa aad ugu baahi badantahay adduun iyo aakhirina u badbaadi laheyd..
    su,aalahan kasoo kajawaab.
    ma waxad leedahay aniga waan iska abuurmay si caadi ah?
    ma waxaad leedahay aniga is abuuray ?
    inta ma dhihi kartide hadde yaa ku abuuray markaas?
    illaah waxan ka baryayaa in uu kaa qabto addoohiisa wanaagsan oo aad weerar ku tahay diintooda bal yaab war adiga xitaa waad garan gartaa in aad sheydaan tahay..
    haa waad garantaa in aad tahay sheydaan al insi, dib u feker maxaa diinta kuugu diray? bal ka feker somalia dhaqamo xun xun beey leedahay maxaaduga hadli weysay oo aad diintooda xaniifka uga ceyneysaa ?
    haddii aadan sheydan aheyn maxaa baadilka xaq ugu aragtay xaqana baadil ugu aragtay war rabi towbad keen..

    ReplyDelete
  2. Dhiigga maalin walba loo qubo "Allah" wax la yiraahdo xumaan uma aragtid ee waxaad ka xun tahay in wixii lugugu soo dhuray yaraantaa in dhinac kale lagaa tuso!

    Shaydaan wax yiraahdo ma jira, sida wax Alah la yiraahdo u jirin. Malaha Santa Kaloosna waad rumaysan tahay!

    ReplyDelete
  3. Dhaqan Carbeedka la diimeeyey ee Islaam waxay dadkay ka dhigtay kuwo qarnigii 6aad ku go'ay oo waxay isu bireynayaan wiil iyo aabbihiis iminka. Ruuxii garasho leh way dhibaysaa in dadkiis saas loo addoonsado.

    Malaha waxaa inoo roonayd in dad diino kale wata yimaadaan Soomaaliya meesha Carabtu ka yimid.

    ReplyDelete
  4. INAA LI LAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
    ILAAH baan kuu baryayaa inuu ku soo hanuuniyo kuna dilo adoo islaam ah. Ila inta aad ka dhimanayso towbadu way furan tahay, ILAAHNA wuu naxariis badan yahay ee u soo noqo.

    HASSAN FROM LONDON

    ReplyDelete
  5. In other words, Islam is the reason to the dispair in Somalia? So all of the sudden, the warlords that profited from this slaughter and the current financial regime in this world is Islamic? You seem to be a bright person, I would be shocked if you actually belived this. Your relationship to anything "arab" seems to be problematic..as if you have been traumatized by someone "arab".

    ReplyDelete
  6. The warlord problem has been an issue at a given time, however, Islam is problematic for the society as a whole. I don't necessarily believe that Islam is the source of all of the problems in the world, whether they be financial or violence. However, Islam, since its inception, continues to be a major source of problem for the society at large.

    Although could argue that Islam is generally problematic for the whole world because of its jihad/terrorist propagation.

    ReplyDelete
  7. Dadkiina qaar ka mida ah ayaa ninka maqaalkan soo qoray iska maagaya idinkoon wax cadayn ah tusin. Ninkani wuxuu ku dooday in aany jirin wax la yidhaa "Illaahay." Idinkuna wax cadayn ah maydun tusin in uu jiro "Illaahay."

    Nin ayaa wuxuu waydiiyay: Yaa ku abuuray? Tani waa su'aal ee ma cadaynayso inuu Illaahay jiro. Hadii uu Illaahay dadka abuuray, yaa abuuray Illaahay laftiisa. Hadii aad ku doodo Illaahay cidna may abuurin, ninkuna wuxuu ku doodi karaa dadkana cidna may abuurin.

    Dadka badankoodu waxay ku jawaabeen hanjabaad ay ninkan wax qoray u hanjabeen. Waxay ugu hanjabeen in la gayn doono "NAARTA." Hanjabaadu dooda kama mid ah. Ninkani wuxuu idiin sheegay in aanu aaminsanayn wax la yidhaa NAAR idinkuna ma cadayn kartaan in ay jirto NAARTU. Markaa ninkani dood fiican ayuu keenaye, ama si fiican ula dooda oo wax macquula meesha keena ama iska aamusa.

    ReplyDelete
  8. allahu akbar!!
    No one is God except Allah and Muhammad is the Messenger of Allah"
    Existence: It is obligatory to believe that Allah exists and that there is no doubt in His Existence.He exists without a place.Time does not lapse on Allah.
    Oneness: Allah is One without any partners.He is One in His Self, His Attributes, and His Actions.
    Eternity: Allah is Eternal; there is no beginning to His Existence.He has existed since before the creation.
    Everlastingness: Allah is Everlasting; His existence does not come to an end.He does not perish.
    Non-neediness of others: Allah does not need any of His creations and they are all in need of Him.
    Power: Allah has Power over everything.
    Will: Everything that occurs in this world is by the Will of Allah.
    Knowledge: Allah knows about all things before they occur.
    Hearing: Allah hears all what is hearable, without an ear or any other organ.
    Sight: Allah sees all what is seeable, without a pupil or any other organ.Life: Allah is alive without a soul, skin, or heart.His Life is not similar to ours.He is alive and does not die
    Speech: Allah's Speech (Kalam) is without a tongue or lip.His Speech is not in a language, Arabic or anything else.His Speech does not resemble the speech of the humans.
    Non-resemblance to the creations: Allah does not resemble the creations. .Allah knows best

    ReplyDelete