"Geesi dhereb kuma jiro"

Sunday, February 7, 2010

Giddigeen Cumar Mutallab

Sooyaalka Soomaaliyeed ee la halmaala Kushitigga Geeska Afrika, ee Carabtu ka weecisay dhabbadiisii, wuxuu weli dhimbil oo kale uga dhex bidhaamaa hiddaha iyo dhaqanka ku duugan af Soomaaliga. Masaaridii hore waxay dhulka Soomaaliyeed ugu magacdareen Dhulkii Eebbeyaalka. Dhulkii Eebbeyaasha (ama Soomaaliya) ee nolosha ruugga ah ee soojirtay kumannaanka gu'aad waxaa rogay diin-ku-sheegga (dhaqan) Islaam oo ka yeeshay geyi Carbeed, oo gooyey xididdadii Kushitigga, oo jeexjeexay taariikhdii dahabiga ahayd iyo dhaqankii Soomaaliyeed ee suubanaa ab iyo isir. Qorshahaas hormuudkiis waxaa lahaa dad Soomaaliyeed oo maanka laga lallabay oo loo tiigsaday tirtirka jiritaanka dadka Soomaaliyeed ee cabsida lugu maaweeliyo oo lugu maamusho. Haweenka maskaxda laga cunay ee go'yaasha la gaaf wareega jidadka oo la moodo teendho luudaysa baa godobtaas u marag ah. Dhalanroggu waa wax baas.

Dhulalka diin (dhaqan) Carbeedku ku faaftay oo seefta dagaal lugu qabsaday, sida Masar, Barshiya (Iiraan), Soomaaliya, iyo kuwo kale, waxay isu rogeen deegaan Carbeed oo ay farabixiyeen dhammaan wixii ay ahaan jireen, iyo waxa ay hadda yihiin, iyo wax ay noqon doonaan. Dalalka dariskeen ah ee seefta Bariga Dhexe ka soo duushay aysan laalin iyagu weli waa xajisan yihiin dhaqammadoodii oo weli ku faanaan oo uu weli u yahay kalsooni iyo niyad wanaag. Itoobiya waxay ku dheggan tahay dhaqankii ay lahayd saddex kun oo gu'aad ka hor. Kiinya (saameynta Ingiriiska mooyaane) raad ahaan waxwalba waa u dhan yihiin. Kolka dibedda la joogo labaduba waxay muujiyaan astaan ah "cultured-people." Dabeecad ku salaysan dhaqan nagaan, dhul kalena kalama imaanin, wax kalena ku labnayn ee u gaar ah oo tooda keliya ah.

Annagu inaan meel kasta ee an joogno (xataa gaari, tareen, diyaarad, iwm gudahood) waa inaan waxwalba inta tuurno foodda dhulka dhigno oo u sujuudno dhagax madow oo ku yaal Bariga Dhexe iyo inaan gamaash badan ku bixinno dalxiis Sucuudiga oo khasab ah iyo inaan ugu yaraan erayo ka baranno afka Carabiga iyo inaan dhan walba kaga dayanno Carabta dhammaan waa addoonsi keliya. Dhammaan waa dhalanteed. Intaas wixii dhaafsan waa la godobayn. Dadkeen cabsida lagu abuuray baa go'doomisay.

Doqonkii Naayjeeriyaanka ahaa ee dhawaan isku dayay inuu isku qarxiyo diyaaraddii Maraykan waan la wadaagnaa doqonnimadiisa. Waxaa goodaaddaas muujinaya qodobbadaan soo socda:

1} Wuxuu bartay dhaqan Carbeedka la diimeeyey ee Islaam
2} Bariga Dhexe ayaa laga soo ganay
3} Magaciisii Afrikaan u beddelay magac Carbeed
4} Godobeeyey astaamihiisii Afrikaan
5} U diriray Carabta
6} Isaga lugu abuuray cadaawad reer Galbeedka wax baray isaga
7} Laga dhaadhiciyey inuu naftiis u huro arrimaha Carabta
8} Laga hagayey dhulka Carabta
9} Dhimaalka maankiisa; addoonsi, wareer, iwm
10} Aamminay jiraa been ah oo Alle la yiraahdo - uu deeq siin doono
11} Qof ahaan laga dhigay miino la soo tuuray

Hubaal inuu ka dhego iyo indho la'aa Islaam iyo Carab inay isu yihiin lud iyo jiir sida Juwish iyo Israa'iil isugu yihiin. Maskax xaliddaas baa diiddan in iyada wax siyaadsan loo kuurgalo ama si kale wax loo qorfeeyo. Kolkasta dadka la maandooriyey ayaa ugu horreeya beenista in la maandooriyey; ma oggola in su'aal la saaro jirista Allah aysan arag, oo si indho la'aan ah ugu dabafaylaya dad kale, oo aysan tanu waxba dhaamin diimihii xisaab dhaafta ahaa ee dunida soo maray, oo tanu suntan tahay dad kale iyo deegaan kale. Ma awoodaan geesinnimo ay kaga baxaan xabsiga maskaxda. Waa sida Soomaali tahay dhan walba ee loo eego.

Giddigeen Cumar, Cabdi, Axmed, Maxamed baan nahay oo xoornay magacyadii Soomaaliyeed ee ahaa Samawade, Liibaan, Samatar, Sugulle, iyo kuwo kale oo fara badan. Af Soomaaliga maalinba cad af Carabigu jarayo oo eray Carbeed ku beddelayo. Waxaan danaynaa arrimaha Bariga Dhexe - dhulka adduunka ugu hashkadaynta badan - oo la safannaa Carab had iyo jeer. Sida dadkeen Islaam ugu qoor sagaaraysan yihiin baan Carabna ugu garbo duubnaan teer iyo inta uu maankeenna xorriyadda naga sugaya uu barta ka dhaqaaqo. Giddigeen Cumar Mutallab oo kale baan u raran nahay oo ay nugu raran yihiin tabbeelooyin geyi kale laga leeyahay. Tabta haddeer Carabaysiga/Muslinnimada wax dhaafsan looga caaggan yahay baa iyana waagay cusbayd loo diidayey.

8 comments:

  1. Qorayasha bogan somaliatheism marka hore waan idin salmaayaa , marka xigta waxaan idin leeyahay saqo fiican ayaad heysaan halkaas ka sii wada dadkeena soomaalida ah ee caqliga carabtu ka xaday waa inaan toosinaa , dadkeena diin carbeed ayaa lagu qaldey Ilaah carbeed ayaa laga buuxshey nin jiran oo madaxa lagaga jiro oo Maxmed la dhahaayey bay raaceen hada waa inaan ka shubnaa qurunkii laga buuxshey dadkeena good job

    ReplyDelete
  2. Dadkaaga qaarkood wey ku garab joogaan.
    Waana ku garab jooga.

    Magacaa waxaan ku bixinayaa waa Carabdiid
    :-)

    ReplyDelete
  3. Thannks to both of you.

    Muslims must understand that Islam is not the sum of their personal bias, interpretation, and choice selective passages in some book. Islam is the sum of the current and objective analysis of how Mohammed behaved, and how Muslims have behaved now and though out history.

    That is where the indictment against Islam lays, and they should be ashamed of themselves for believing such self serving nonsense from Muhammad, for failing to use their wisdom and free thought, for being taken for a ride and being willing fools, al out of childish fear instillled in them.

    Carab iyo Islaam waa lammaane.

    ReplyDelete
  4. Your blog is amazing.

    Fellow Somali Atheist,

    S

    ReplyDelete
  5. Is there an anonymous email I can at least reach you at?

    S

    ReplyDelete
  6. Haqq will always stick clearly out high in the sky while baatil is always left to sink further and further.

    If you don't find out the Truth now then u'll surely find it out on the Day of Judgement.

    May Allaah destroy you all for your evil and disgusting acts. Indeed if you don't return from this then u shall have a painful torment in this world, but the punishment in the here-after is greater, if you but only believed and knew!!!

    Indeed Allaah is patient with man-kind, subhaanallaah the stuff I've seen on your site makes me want to vomit, but only Allaah knows who you are and only Allaah knows what you are planning.

    I seek refuge in Allaah alone from meeting anyone of you in person, and I ask Allaah to give me the strength to fight you low-lives intelectually and physically. Aameen yaa rabba kulli shey.

    May the curse of Allaah be upon you for your disbelieve!!!

    ReplyDelete
  7. "I seek refuge in Allaah alone from meeting anyone of you in person, and I ask Allaah to give me the strength to fight you low-lives intelectually and physically." - Isn't that contradictory? Like Islam, perhaps?

    Your religion is about killings, killings, and more killings. Like cults, you welcome people to it and kill them for leaving. You are threatening me for not believing what you believe, and that is criminal, at least in the non Muslim country in which I currently reside. Your oppression doesn't work here. More importantly, what does that say about your "religion" if its core believe is oppression and killings? Nevermind the the threats.

    "The stuff I've seen on your site makes me want to vomit." - Does the daily bloodshed and the hundreds of deaths each week also make you vomit? If not, you're evil. If so, you sure do vomit a lot. :-)

    My friend, it appears as though you're the evil one. You're full of hate and anger toward a person who simply refused to be brainwashed with evil indoctrinations courtesy of the 6th century Arabian desert tribes' supersitions.

    I've only laid out that which is evil and I think it's clear who's spewing evil here.

    I am not evil by any stretch of the imagination. In fact, it's the evils of Islam that is causing daily bloodshed in my home country that had made me open up my eyes and see whom the real culprit is. It's Islam's oppression, hatred, killing and horrible ethos toward other human beings in this world that led to me excuse myself from it. I simply could not be part of an organized religion whose supposed ruler rewards murderers (martyrs) with "heaven," and, you know, the 72 virgins and what have you. Christians say "Jesus loves, saves," etc. Muslims say "May Allah curse you!" And that is if they can't kill you instantly.

    Show me the "disgusting acts" you've found here and I'll be glad to debate them with you, minus the threats, of course. In the mean time, I thank Allah for making me leave Islam! :-)

    ReplyDelete
  8. walaal somalida ka xoree khaladka ey ku jiraan

    ReplyDelete