"Geesi dhereb kuma jiro"

Sunday, June 6, 2010

Diin ku Diim

Sooyaalka jeer walba diin waa ay kasoo dhex iftaa oo diinaha dunida soo maray cidina dhab uma tirin waayo waa ay tiro goosteen. Waxayse wada leeyihiin tilmaamo tibaaxaya aasaas ahaan, dhaqan, luuqad, deegaan, siyaasad iyo xeerar. Hindu iyo Hindiya, Juwish iyo Israa'iil, Budhiiste iyo Aasiya, Islaam iyo Carab. Dhammaan eebbeyaasha malaayiinta gaaray ee dunida laga caabudayay kumannaankii sano ee la soo dhaafay waxay wada ahaayeen kuwo deegaanka diintu ka soo ifbaxday dadyowga deggan la dhaqan iyo dabeecad iyo camal wadaaga oo hadday qunyar socod iyo hadday dad qiiro yihiinba lamida.

Sidaas oo kale ayaa geyiga Soomaaliyeed u lahaa diin ku raran dhaqanka, af Soomaaliga, xeerka iwm. Waaq oo kamid ahaa eebbeyaashii Soomaaliyeed ayaa summaddiisii weli dhaqan Soomaaliyeedka ku xardhan. Waaqii samada ee loo yaqaannay "Waaqle" waxaa lagu caabudi jiray geyiga ay degaan Kushitigga Geeska Afrika gaar ahaan Soomaalida iyo Orommada lagana aamminsanaa inuu abuuray samada oo arwaax loo aanayn jiray, sida; siwaaq roon, tagalwaaq, garwaaq, barwaaq iwm. Waaq tin-cawsle ayaa lagu heesi jiray kolka dooggu baxo dadkuna sida Maxamed loogu haybto badi qabiillada Soomaaliyeed ayaa Waaq loogu irir sheegan jiray, tusaale; Jidwaaq, Digilwaaq iwm. Diin walba waa sii kala faaftaa siday ay u sii kala weynaadaanna xeerka u sii kala bayraan. Sii akhri Waaq.

Haddaba eebbeyaashu waa wax dadku soo alliftay sababta oo ah eebbe walba dadka iyo deegaanka ayuu la dabeecad wadaagaa oo geyiga ay ku faafto diintu ay talis hoosyimaaddaan faafiyaha oo weliba loo xeeriyaa laguna sii ragaadiyaa habqabadkaas diineed. Allah waa eebbe Carbeed oo waxa uu la camal iyo dhaqan wadaagaa dadyowga geyiga laga soo faafshay diinta Alle. Ambaqaad tallaabadii ay jaammacadda Islaanka ee Al Azhar ee Qaahira ee dalka Masar dhawaan kaga dhawaaqday dooddii niqaabka oo ay tiri xirashada niqaabtu diinta shaqo kuma leh ee waa dhaqan waahore jiri jiray. Waxaysan jaammacaddu daboolka ka qaadin inta dhaqanno kale ee diinta ku lifaaqan hase yeeshee aan ku lug lahayn diinta sida niqaabka.

Niqaableeydu ma oggolaanayaan go'aankaas iyo sooyaalkaas midna oo waxay rumeeyeen in ay jannada u socdaan maaddaama ay Wahaabbiyiin mayal adag yihiin haystaanna diintii dhabta ahayd ee Islaam ee qarnigii 6aad. Wahaabbiga geeridu guul ayay ugu dhigan tahay oo waa un jannada hadda gal waana midda dhalin badan jihaad-doon iyo isqarxin u duufatay. Rumayn ha kala darraato ee waa un rumayn mar walba.

Weligiin ma aragteen Soomaali Wahaabbiyoobay oo aan maanka ka jirranayn? Maahan keliya gar daysashada oo surweelka gaabiyaan ee waxaa dheer inay gebi dhaqan rogtaan oo hadalku yaraado (hadal badan dembi!) oo qofku Carab dhinac walba kaga muuqanayo oo uu weliba nacayb kulul u qaado reer Galbeedka iyo dunida oo dhan. Qaab ahaan, waa qof Soomaaliyeed oo hidde iyo dhaqan shisheeye doorriyeen oo kala qiimo iyo qaayo badan dadkiis, dalkiis, noloshiisa iyo caafimaadkiisba. Ayaduba waa rumayn.

Waxay Wahaabbigu kur ka goyn u taabbaggeliyaan dadkooda oo ay nolol oo dhan kala dagaallamaan. Waxay u heelladaan dagaal iyo dib u socod oo ay kana dhaqan aruursadaan dadkooda islamarkaas oo u dejiyaan tabaabushle ay ku gumaadi doonaan ayagoo u arka inaysan Muslimba ahayn dadkoodu. Guud ahaan dunida Muslimka qaybaheeda u tallaaba Islaam dhabeedka Wahaabbigu waxay kolka ay bulshada si dadban ugu faafaan kaddib si hoose ugu duullaan tagaan dagaal iyo burbur.

Kooxaha Muqdisho ku dagaallamaya waxay doonayaan dowlad aan adduunka laga aqoonsanayn oo Islaamiya sidii Dhaalibaan oo gumaad iyo dagaal dunida lagu dhammaysto haddii kale macaanka dunida ayaa jannada saajinaya. Kooxuhu waa Wahaabbiyiin kala firdhay oo ay koobiyaan qayb sheegata Salaafi iyo qayb hoostimaadda Qutub oo aamminsan in ayaga keliya yihiin Muslim oo inta kale diinta ka baxday ee sidaas daraaddeed uu qeexayo xeerkii Sayyid Qutub in dilkoodu bannaan yahay kuna magacdheban Shabaab. Caddayn ma jirto ee rumayn ayaa heerkaas kastay oo maaddaama ay rumayntu caddayn lahaynna lagu heshiin karin dirirtuna maamul ka sokow ay runtii ra'yigaas ku qotonto. Ha ahaatee labada koox maaha kuwii ugu horreeyey oo Afrika siyaasad ama diin shisheeye dadkooda ku gumaada sidaas awgeed wakhtigooda ayay qaadan oo ay guuldarraysan sidii hirarkii ka horreeyey, haddaba burbur ku bilowyey ee xoog iska caabiya oo muuqda ayaan jirin.

Haddii niqaabku ahaa dhaqankii Carabtii qarinigii 6aad oo diintuna deegaan ka soo hanaqaadday iyo haddii Waaq la rumaysnaa kumannaan sannadood oo uu Islaamkuna yimid dalka ku dhowaad toddoba boqol oo sano, sidee Allihii shisheeye oo sida shisheeyaha u dhaqma Waaq kaga duwan yahay ma isweydiiseen? Sidee kii hore been ku noqday kan cusubna run ku noqday maaddaama labaduba rumayn iyo caabud keliya u dhigan yihiin ee aysan jirin wax dhibic dhan oo caddayn ah? Mid cabsi iyo colaad ayuu astaaman yahay midna bar-waaq iyo wanaag yaase hagardaamaynta muuqata maanta iyo waxay ka dhigan tahay sidaas dadkeenna xoolo dhaqatada u badan u kala faahfaahinaya? Cabsi iyo dagaal waxaan ahayn Islaam halhays ma doorsan doonaa? Weligeed cabburin, jahli, wareer, sabool, dagaal iyo dac ma laga gudbi? Mise waa lagu ragaadayaa oo kii fikrad kale keenana waa dil? Inta la indhosaabto lagu barooran "qabriga oo aan gallaa dhaanta qaabka maanta aan nahay"?

Waxay Waaq iyo Allah ka midoobeen in laga rumaysnaa Soomaaliya mar un sida Hoobaal iyo kuwo kaleba amaba lahaayeen dhaqanno hore oo ku saabsanaa diin sida Mingiska iyo Is-tunka oo ahaa dhaqan diineedyo hore. Sida dadka qaar jiilaalka u tukadaan roob ayaa qaybkii hore isu tumi jiray roob-bari awgiis oo labadaasi waa dhaqanno midba mar ama isku mar la rumeeyey waayo labadaba haddaa la falgalaa. "Waaqal daruureed" ayaa lagu ducaysan jiray roobabbowga waxaana lagu dhaaran jiray "waa igu Waaq" qarnigii sagaal iyo tobnaad gudihiisa oo muujiyaysa in Waaq dhawaan laga caabudayay Soomaaliya. Waxaa xiga oo ay suugaanta Soomaaliyeed ayaduna muujiyaysaa in Waaq isla waayadaan dhow laga rumaysnaa Soomaaliya. Dhugo heestii Waaqle ee Cumar Dhuule Cali iyo gobayadii iyo sinjiwaaqii Soomaaliyeed. Niqaab warkiise, sida Cabdullaahi si lamida ayaa Cabdulwaaq u jiray magac ahaan oo labaduba u dhigan addoonkii Alleh iyo addoonkii Waaq.

Allaha Bariga Dhexe waxa uu leeyahay sagaashan iyo sagaal magac. Wuxuu awoodaa wax walba oo cidna uma uu baahna inay caabbuddo hase yeeshee ciddii aan caabudin waa cadowgiisa koowaad. Wax walba asagaa abuuray oo taasi maaha mid marna shaki galaysa hase heeshee shaydaanku waa ku jiraa abuurta, isla shaydaanka ay marmar u muuqato inuu Allah la itaalo. Sidiisaba inta uu abuuray iyo inta uu neceb yahay xisaabtoodu ma istaagto asagana cid abuurtay lama yaqaan lamana weyddiin karo qaybaha sare ee asaga dunida uga wakiilka ah oo sharcigiisa u garaaddo sheegta magac iyo maamuus. Ciddii uu doono ayuu toosiyaa ciddii uu doono wuu cadaabaa waana miisaan iyo camal darri yaab leh. Baryada Allah ee baroortii "qumbulad kol aad la dhacdo\Rabbiyoow wax kaqabo qoomka sidaan yeelay" oo kale Waaqii daruureed waagiisii loogama ducaysan jirin.

Unug-goynta, isqarxinta iyo cabburinta lagu astaameeyo diinta nooga timid Bariga Dhexe kama suurtowdo badnaan diinaha laga caabudo ama laga caabudayay geesaha adduunka (sida Soomaaliya) sababta oo ah dhaqan iyo dabeecad lamida malaha, in Quraanku af Carabi ku yaalna lamid. Dhaqannada Bariga Dhexe waa qalafsanaayeen muddo oo la yaab maleh in diinta bartaas kasoo iftay dagaal la baal-duulayso, waase jiraan diino kale oo dhiig qubay aqoonna lagaga gudbay.

Ninna kalgacayl gaara uma hayo diin ee waa cabsi ta ku negaadisa. Cabburin iyo cabsi waa caado. Qof cabburin iyo baqdin intaas le'eg lagu beeray waa mid la madax-maray oo ka indho saabtan iftiin iyo nolol una digorogtay ku noolaanshaha mugdigii la baday waahore iyo summaddii abkoow cabsida daraaddeed. Waaq iyo Allah - Soomaaliya ha laga rumaysnaadee mid iyo goor ama labadaba isku mar - la isma barbardhigi karo runtii waxayna ku wada yaalliin taxanaha. Caabudda Waaq ee arwaaxda iyo caabudda Allah ee dirir-gal waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin waa un caabud - ama kala rumayn mid iyo gooni loo caabuday. Weligeed ninna geeri kama soo laaban oo ma soo sheegin nolol kale iyo wax lamida ee sidee nin kula mida kaaga caqliyeystay oo kaaga dhaachiciyay in haddaad xeerar dad leeyihiin nolosha ku dhammaystiratid aad haleellaysid gabdho bikro ah iyo wax lamida oo lagu qoslo oo carruur nacnac kala sabanaysa u eg? Maxaa annaga iyo diin naga dhexeeya? Jawaabtu waa bajin. Geesi dhereb kuma jiro.

U tusaale qaado; Israa'iil iyo Sucuudi Carabiya waa laba dal oo shisheeye oo aan labadaba u nahay shisheeye annagu hase yeeshee uu midkood dhan walba naga summadeeyey saamayn balaaranna ku xardhay hiddihii iyo dhaqankii oo weliba mid kamida aan cadow u haysanno saamayntaas aawadeed. Taasina maahan mid dhuuxid hoose u baahan. Suurogal in midkaas cadowga laguu rumaysiiyay kan kale kaaga hagaagnaan karo. Labada dal waa huboonto inay Soomaaliya ay dan iyo arrin ahaan midna liiska ugu jirin. Dalalku runtii iigama duwana Jabbaan iyo Bootiswaana ama Ruush iyo Ruwaanda ama kuwa kale iyo saammayntoodaba ee lamida; Hindu iyo Hindiya, Juwish iyo Israa'iil, Budhiiste iyo Aasiya, Islaam iyo Carab. Nin la summadeeyey la sumee.

Siingasiingaha timaha caabuda waxay la tahay diinta dunida ugu sarraysa, Hindaha lo'da caabuda tiisu la saxsan. Taadu labadaba waxay ula muuqadataa mid sheeko baralay (folklore) ka dhigan maaddaama Quraanku ka kooban yahay qaybo badan oo laga sooguuriyay diinihii ka horreeyey ee deriska. Sheekada diinaha Bariga Dhexe waa isku mid; nin baa keligiis god galay sidii "nebiyadii" ka horreeyey, godka waxaa ugu yimid "eebbe" kula hadlay una reeriyey "aayadu" isku dhexyaacsan oo uu Islaam ahaan Maxamed keliya maqlay in uu dunida oo dhan ku xukumo oo weliba eebbe beeniyey kuwii hore ee laga sooguuriyey hase yeeshee indho adayg kaga tixraacay, Maxamedna yahay waddada loo maro eebbe - taas inay xigto waad filayseen baan filayaa!

(astaan muujiyaysa meesha jannadu ku taal iyo sida dunidu u dhisan tahay ee diinaha Bariga Dhexe ee Juwish iyo Kiristaan iyo Islaam ka wada tixraacaan)

Yeelkeede, muxuu eebbe ugu lug go'ay labadiisii diin oo hore? Muxuu sida muuqata labadii hore dhaqan Carbeed maahee in kale, haba yaratee, ugu siyaadin waayay midda saddexaad? Ula doontay - dhawr boqol oo sano kaddib - nin kale iyo geyi kale? Midka cusub ma lagu lug hungoobi doonaa kolka uu jibaaxo dhabbadii diimihii hore maaddaama diinuhu isku waddo wada qaadaan Islaam waxaa uu hadda hayaa bartii kuwii ka horreeyey qaadeen markay da'daan soo cagacagaynayeen ee ma aragtaan? Maxayse dhigistii iyo dhaqankii hore kaga soo tallaabsatay haddayba garteed oggolaatay oo ay gari gashi tahay?

Diin dad ma horrumariso ee waa lagu maamulaa. Dad ma nolollayso ee waa u xeeridaa. Oday doqoshay oo cantarabaqashay oo Sucuudiga fadhiya ayaa waxa uu soo saaray xeer loogu magac daray "Fatwa" oo qaybta uu summaddii abkoow kaga summeeyey dhaqankiisa u yeeriya xeer ka "xaaraameeyaa" fikir cusub iyo nolol cusub si mugdiga loogu nagaado maamulkuna u sii jiro. Ugu horrayn waa in ereyga "fatwa" waxa uu ka dhigan yahay si loo ogaado buuggaagta lagu ordo kaddib xeerkii lagu dhaqmo. Odayga awooddiisu waa inuu yiraahdo "diintu waxay waxaas iyo waxaas ka tiri.." looguna sacabbotumo. Buuggaas uu dhawrka goor akhriyey cilmi aan ahayn maleh.

Xeerka dhulalka fogfog ee lagu dhaqo xumaan iyo samaan middii ka dhalata Allah ayaa qoray ama qorin, laakiinse uu shaki ku jirin in samaan oo dhan dhankiisa taal kuna dhigan xeerka. Odayga doqoshay ee dunida Kiristaanka ugu sarreeya iyo odayga cantarabaqashay oo Sucuudiga fadhiya waa xeer-ilaalliyeyaal qaybiya xeerar umado lagu maamulo, isku mid labada oday in badan. Labaduba masaakiin diin ku diim ah oo Afrikaan iyo saboolka kale ee dunida oo diinahaan dhaqannada ah weli wax kale la ah ayay ereyo u yeeriyaan.

Nolol hiraal (vision) leh saas waa ka garaad sarraysaa hase yeeshee adigu waa ad hiraal-beeshay oo waad mooggan tahay dantaa iyo arrimahaba rumayn aawadeed taas oo lagu yaqaan dalalka diintu aafayso. Eebbe Carbeed in uu nacabeeyo cadowga Carbeed oo dejiyo xeerar uu ku mucaaraday la yaab maleh ee waxaa la yaab leh in dunidaan maanta dadyowga qaar daxaya dushiisa u gol leeyihiin Afrikana diin iyo eebbeyaal dusha dayaxa deggan oo la rumaysiiyay waahore hadda weli lagu isticmaarsado. Fulayda fikirka ee diiddan in la baaro diinta dhabteedana dibedda la soo dhigo ayaa waxay u badan yihiin qayb cabburin iyo cadaadis lagu soo barbaariyay oo laga dhaadhiciyay in qofku diin la'aan noolaan karin ama wax diin dhaafsan lagu fikiri karin ama haddii inta yar ee uu bartay laga duufsado ambanayo oo lumayo taasuna annaga ha nagu badatee Afrika iyo dundida oo dhan waa ka jirtaa. Afrikase diinta ay doonto ha haysatee waa diin ku diim.

Diin dad bajisa diin maaha, mid cabburinna diin maaha, mid lagu dhiig daadiyaana diin maaha. Diinna caqli maaha ee annagoo caqliga ruxruxa ayaa dhaanta qaabka aannu nahay maanta - xusuuso heestii Qaylo Dhaan iyo markale. Islamar ahaantaas waa suurogal in marka aan xornoqonno dadkeennu yeesho qaybo xor ah ama siday doonaan wax u caabuda ee un ku midaysan danta guud. Dalkeen caqlixumo ayaa naga soo eriday dalalka aan u soo dhoofnay caqli iyo garashada danta guud ayaa hagta waana intaas faraqa dhexaadiya Soomaalideenna burbursan iyo dunida horrumartay. Afarta koox ee magaalada Muqdisho oo dhiigga daadiya maalin iyo habeen ayaa diin waxay tahay kuugu filan xataa hadday cabsi kugu addoonsato weli.

Hadka diintu xoogaysato ayay gumaad iyo gudcur la abbaartaa meesha aqoontu hadkay xoogaysato diintu talo beesho oo dunidana sidaas ku horrumartay.
Hase ahaatee "Afrika waxay u go'doontay diin" sidii uu dhawaan qoray Liyo Igwe ee Kambaala, Ugaandha. Dadka Soomaaliyeed waxa uu weli rumeeyaa "mucjiso, ammuuro, riyo," iwn ee dunidii hore iyo waayihii mugdiga laga garwaaqsaday sida tukashada oo aysan jirin wax yar oo caddayneed ee lagu dabiibay, inay waxtar dhab ah leedahay iyo inkale isweyddiinteedu waa dagaallan. Shantii boqol ee sano ee la soo dhaafay ee maalintii shan la tukanayey haddeer weli kama dhursugaysaan ayay ila tahay. Shan goor oo la tukado shan goor oo danta guud loo jaan gaado armay dhaantaa? Mise "mucjiso" ayaa xal laga sugaa?

Soomaalidu diin-ku-diim ha ahaatee Soomaaliya waa jirtay diin ka hor oo diintu waa wax laynka soo galayay muddoba mar ee Soomaalinnimo diinnimo maaha. Garashadaasu waa muhiim haddii kale Soomaalidu tigaantig dambe maleh. Isla sidaas diin loogu diimay ayaa Soomaali caqli iyo aadaab iyo waaya'aragnimo wax u furdaamiya loogu diimaa waayahaan. Diin ku-yaacii dagaalkii sokeeye iyo ardaalnimada aan kaddib ku caanbaxnay xigaal.

15 comments:

  1. Soomaali waxey ku daba luntay carab iyo diinteeda. Waxaaba u dhaamay in ay iska caabudaan Waaq inta ay caabudayaan Allah oo carab ah.

    Waaqow ma adigaa abuurta Allah?

    Walaal halkaa ka siiwad hawsha mihiimka ah. Aniguna waxaan furay youtube channel http://www.youtube.com/quraanka oo aan ku soo badhigi doono videos tusaya is-khilaafka ka buuxa quraanka.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  2. Islam provides its followers with euphoric sense of self-righteousness.

    Believe in supernatural beings is merely a superstitious delusional behavior for those unable and/or unwilling to think for themselves. Delusions restrain reason and logic whereas religion itself utilizes the primal emotion of fear on its subjects. This is the premise under which "believe" and (its) "believers" operate and the subject remains overtly opposed to free-thought, thus dwarfing critical analysis.

    The emotional instability and immaturity of theists is beyond their own certainty of their belief; they're oblivious to all that is outside the realm of conventional religious thinking and that no other option could possibly exist as far as they're concerned. In fact, to question the superiority of the religion itself is a major sin, according to the religion.

    This sort of reminds of the Axis of Evil in world war 2 in which the Germans and the Japanese each had highly disciplined society and army (through fear and oppression, of course) compared to their counterpart, the US. They erroneously construed their certainty/discipline as strengths and the US's apparent lack thereof as vulnerability.

    ReplyDelete
  3. Check out this post I posted on FaithFreedom.org Why the Quran is fake.

    ReplyDelete
  4. The Quran is not just fake but from a rational perspective it is entirely inaccurate and illogical as are other "holy" books based on faith. Due to its irrationality, Islam, like other medieval superstitions uses violence as means of coercion.

    One is forced to "have faith" through sheer force should indoctrination and believe weaken for the controlled subject. Faith equals lack of prove, a religion. But do people understand what religion is?

    Pure mythologies, superstition, cults, sects, ignorant, stupidities, imagination, fraudulent, phoney, absolute bogus, delusion, brainwashing, coercion, force and violence, intimidation, hoax, legendary and men made stories = Religions!

    ReplyDelete
  5. Sheekadaan waaba igu socotaa. Awalba waxaan is lahaa ma adaa waalan mase cadan ayaa laga tumayaa. Dad igu fikrad ah ayaan helay wana ku faraxsanahay in aan arko dad ka soo horjeedo sheeko baralayda lagu marin habaabshay umada Somaliyeed.

    Mahadsanid ciyaalka xaafada abaal wanagsan baad ku leedahay umada Somaliyeed malintay wada fahman runta.

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid.

    Waan ku faraxsanahay in aad sheekada ka heshay.
    Soo dhawaada inta sida xorta ah u fekerta ee ka waantoobay beentii iyo balaayadii yaraanteen maankeenna lagu qufay.

    Markale, mahadsanid.

    ReplyDelete
  7. What can we expect from Islam? It is a brainless cult without any logic, invented by imperialist arabs to ignite the hate of the mob in order to occupy other countries and force them into submission. Their philosophy is hate and their language is violence. It is the primitve world of the stone age. All based on fear. Take the fear out and there would be no Islam.

    ReplyDelete
  8. CIYAALKA XAAFADA. So now you are telling your audience that Muslims and Islam are in general. Criticism should not be for the sake of criticism. You know the crusaders a peaceful Muslim nations like Iraq, Somalia, Afghanistan and much more and slaughter innocent women and children. Hilter who was an atheist killed more 50 million innocent people. Why don’t you mention people like Hitler an atheist before you were even born had this narrow mind philosophical idea? Who dropped two atom bombs on Japan? Who killed there million Vietnamese? Who brought imperialism and so called new world order? All those question you need to answer as you always narrate your childish view against Muslims. Are these killings to blame for the Muslims or Non-Muslim or atheists like you. You have the mentality of Wafa Sultan and Ayan Hersi. Whether you call yourself a free thinker or an atheist, you have to do more research before you denounce other people. You know what happened with Ayan Hersi. Check this link below. http://www.youtube.com/watch?v=0WxMHMcFh-s

    ReplyDelete
  9. Sorry I mean Crusader have invaded a peaceful Muslim nations

    ReplyDelete
  10. Dalmar Diini

    Waa ayaandaro in qof Illaah fakar fursad u siiyay inuu raaco jid dad badan ku halaagmeen Aakhiro iyo aduun.

    Qaloocoow ayaa tusaalayn idilkeed keenay. Maalin 50 kun oo sano la'eg dherarkeeda ayaa la iska jaazayn wixii gaf ah ee loo geeystay eebaha kownkaan abuuray. Doqonka ay dhibic qali ah jirto ayaa garan in caqli bini-Aadam ka wayn ka dambeeyo dabaraada howlaha kownkan.

    Inta isku raacday "Diin La'aan" waad wada shalayn doontaan. Shalayti waxba tari mayso. Cibro qaadasho Fircoon ayaa kuugu filan. Rabbi ayaan aaminay inuu dhaho ayuu dambcay ka dib markii la gilgilay isaga iyo ciidamadiisi, geeri sugana uu indhahiisa ku arkay, inta intuusan dhamayn dhihida ereyadaas ayaa Malakul Jibril dhoobo afka uga shubay.

    Aduunkaan Ilaah ayaa leh, ka hel ama ka nax.

    Inta Ilaah u naxariistay Allaha ku daro Muslimiinta oo dhan; dhagarta nin ku kufriyay Ilaah waxaa ka daran dhagarta uu Alle leeyahay ee ku dhici doonta kuwa kufriyay.

    ReplyDelete
  11. FII QULUUBIHUMUL LAAHU MARADUN FASAADA HUMULAAHU MARADA............MEAANING, CUDUR AYUU ILAAHEY QALBIGOODA KUDHALIYEY, KADIBNA CUDURKAA ISAGAH AYUU KUSII BADIYEY.....CIYAAL ISKU SHEEG, ISKA NOOLOO SAAXIIB, LAAKIIN WAAD OGTAHAY QALBIGAAGA INUU CUDURKA CUDUR UGU WEYNI KUJIRO. ISLAM WAXBA MAYEELI KARTID LAAKIINSE NAFTAADA AYAAD WAX YEESHAY. SAAXIIB, JIDHKAAG NAAR AYAA ISKA LEH, UDIYAAR GAROOW, AMA RUMEYSO AMA HARUMAYSANIN, THERE IS NO CHOICE DUDE...

    ReplyDelete
  12. i am shocked at this website i never thought there are Somali atheist

    Watch Best Somali Videos

    ReplyDelete
  13. Waaq waxaan ka codsanaya inuu Nabi somali ah nooso diro, oo carabtan na duufsatay naga reeba! saaxiib aadbad ugu mahadsatahay qoraalkagaa qiimaha badan ee aad nooso gudbisay

    ReplyDelete
  14. runtii waa qoraal qiime leh, halkaa kasii wada walaalayal.

    ReplyDelete
  15. Caqliga aad ku garan wayday in aduunkaan uusan iska abuurmin oo la abuuray iyo ciddii ku abuurtay aad ku garan wayday walle kaa caqli maaha ee waa nacasnimo iyo doqonimo iyo hawo raac

    ReplyDelete