"Geesi dhereb kuma jiro"

Sunday, August 31, 2014

Segegernimo Madaxweyne iyo Salgan Dawladeed

Naanays madaxweynaha ku dhegtey markii uu cusbaa baa ahayd “guurguurte” oo ku caan baxday daahid iyo cago jiid. Waxaa labeeyey mid kale, “qoslaaye” — madaxweyne mar walba qosla haddii qosolku meeqaam ku habboon yahay ama haddii kaleba.

Filanwaa ayey noqotay in hoggaamiyaha dalku u bareeray falal lid ku ah hannaanka dawladeed, geeddi socodka nabadda iyo jiritaanka dalka. Hambaabir ayuu ku dhaliyey bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo hay’adaha caalamka ee quudiya saboolka gaajo gitaati dhacay.

Segeger baa dalka madaxweyne u noqday: Xasan Sheekh u ma qalmo jagada loo dhiibay. Waa shaqsi ka agnaan ah indheergarashada, kartida, daacadnimada iyo hawlaha dawladeed. Waxa uu u dhaqmay sidii “hoggaamiye kooxeed” si uu koox yar oo talada dalka uga horraysa caano lis ah dhiil uga buuxiyo iyo si uu xoogaaga yar ee adduunweynuhu inta gaajeysan u sadqeeyey ugu taajiro asagu. Qaab uu intaas u maro ayaa lulay dawladda taagta daran ee Xasan Sheekh.

Dawladda seellataysay oo salgan waa taliyaha docda ay ka quruntay. Madaxweynaha ayey u taallay in uu xalliyo wixii gal-dalool dawladdiisu leedahay. Asaga baa loo ga fadhiyey in uu waxyaalaha haatan oogan dhammaan xalliyo oo adeegsado xeeladaha hoggaamiye waxgarad higsado. Intaasu ma dhicin oo madaxweynaha ayaa ruxay dawladdiisii ku taagnayd dulqaad keli ah maadaama ay hore u beerdarraysay hantidii ugu weynayd ee dawlad hanato — kasbada dadka.

Arrinta ugu qaab daran waa madaxweyne ka maahsan iinta. Isu-ma-jeede loo wada jeedo baa fadhiya Villa Soomaaliya. Waa qof ka arradan xishoodka, Soomaalinnada iyo dareenwadaagga hoggaamiye la wadaago bulshada uu hago. Waxaa muuqda madaxweyne daawade ka ah arrimaha dalka, wixii aan ka ahayn nin toocsi ee ku lug leh eex iyo musuqmaasuq ee xatooyo oo uu caddaystay in uu Villa Soomaaliya u yimid. Wax yar buu wax weyn siistay.

Guurguurashadii waa rumowday; waxay ahayd taag-darro ee ma ahayn diricnimo u duugan. Qosolkii baa ahaa dhoylaawennimo ee ma ahayn beerlaxawsasho siyaasadeed goobteed ku wacan. Barashadii labadii gu’ ee uu taliska ahaa ayaa intaas iyo inteer la oddorosay. Waxaa ka sii ayaandaran marka madaxweynuhu tiraabo. Runtii loo ma dul qaadan karo hadalkiisa. Afyaal uu oraah madaxweyne ahaan bulshada maansooro meesheed’e waxaad leedahay qofku waa kirishboy. Mareegaha Soomaalida baa lagu baahshay maqaal Ingiriis ah oo ciwaankiisu ahaa “Speak Up, Mr. President” — balse markii uu hadlay ayey arrimisay “Mudane Madaxweyne, bal yara aamus.” Qof dhacsaal ah aaraa’ ma dhiibto, habowsane wax ma hago.

Wakaaladda wararka Reuters baa su’aashay hankiisa loollan kale oo madaxtinnimo waxaa na uu ku jawaabay, “haa, loollame baa [aan] ahay, xisbi ayaan leennahay, waxa aan sugaynaa diiwaangelinta xeerka xisbiyada,” sidaas ka yiri madasha shirka Koobbanheegan oo uu la tegay dawlad dhantaalan oo kala daadsan. Wuxuu ku xijiyey is-jiijiidka dhaawacay waa hor-u-mar oo dagaal baa awel dhalan jiray. Haa, sidaanu madaxweyneheenna waa u hor-u-mar. Su’aasha jeesjees baa loo weydiiyey. Sharaftii buu aguugay ogaan la’aan haddana cir weyn yahay.

Waxa socda wax la daawan karo ma aha waddanku na madaxweyne buu u hanqaltaagay.

Baarlamaanka han-laaweyaasha oo madaxweynuhu kiraysto marka uu lacag siiyo ayaa haatan u rogtay laan u baahan in la ka la diro sababta oo ah waxay ahayd in ay ka hortagto dhacdooyinka ay ka qayb yihiin – waa haddii waddaniyiin ku dhan yihiin. Balse ma-xishoodeyaal baa isku qariya duraabtay biyo samafal oo masaakiin laga dullaalay. Qaar kale ku aroos galay booli qaran madaxweynuhu u qariyey oo agliil ka dhedhanshey.

Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa ku jira rag — iyo dumar — u qalma metelaadda dadka asii ay, sida cad, tiro yar yihiin. Waxaa ay mudan yihiin ammaan iyo bogaadin ballaaran oo ku aaddan halbeegga wanaagsan ee daacadnimo iyo waddannimo ee ay ugu bishaareeyeen ummadda Soomaaliyeed ee daawanaysa iyo beesha caalamka. Waa adag tahay qof damiir leh, dadnimo leh, oo waddannimo leh in uu meesha (baarlamaanka Soomaaliya ee haatan) isu quuro waa na ay ka sii adag tahay in uu danta guud u hiiliyo. (Golaha wasiirrada waa ku jiraan waddaniyiin ka koray anaaniyada.)

“Shalay waa maanta.”

Madaxtinnimo waa baalka aad taariikhda ka gasho. Badraanno hore baa ku soo hungoobay oo xaajadda Xasan Sheekh ahaatay shalay waa maanta. Tiro ma leh ceebaha la ga sheegan karo muddada yar oo uu madaxweyne ahaa. Dawladdu waxay ku koobantay “wasiir Faarax Cabdulqaadir muxuu arrinta ka yiri?”. Waddani baa ka anfariiray oo waxgarad ka dhiidhiyey. Dalku cadow u ma baahna inta Xasan Sheekh madaxweyne yahay.

Ra’iisal wasaareyaasha madaxweynaha ayaa dadka u dooray. Haddii labo labo gu’ gudahood xilka gudan waayey, dee meeshu ma aha maqaayad ma na aha in ay muuqaal saas ah yeelato oo dhaqankaas loo ma baahna. Taloxumo taliska sare ayey ka soo naaxaysa had iyo goor. Waxaa soo booday BAREERE (motion) ayada oo ay dhicin dood agaasiman xallinta is-afgaranwaaga curtay oo la yiri madaxweynaha baa laaluushay xildhibaanno dabadeed abraarsiiyey bareere.

Kolka arrintu xumaato hoggaanka suubban ayaa kaashada kalkaaliyeyaal ka taliya xalka ugu wanaagsan. Madaxweyne Xasan Sheekh jeer walba waa mooggane. Sumcad isma geeyaan.

Yaqyaqsi badanaa.

No comments:

Post a Comment