"Geesi dhereb kuma jiro"

Saturday, February 27, 2010

ILAYS: "Qumbulad kol aad la dhacdo/Rabbiyoow wax ka qabo qoomka qaladkan gaystay..."

Waxay ahayd maalin Jimce ah oo qaboobaha lugu jiray kuna abbaaran casarliiqa, waxaan soogalay dukaan kafeega laga cabbo. Isha ayaan la laacay fadhiga dukaanka. Gees baa waxaa fadhiyey xayn dad ah oo uu wejigoodu igu cusbayn, balse anan aqoon dheer u lahayn. Waan salaamay dhammaan. Waxaan, toyasho kaddib, garasho u yeeshay oday u muuqda mid ay wadaadnimadiisu hanaqaadday tan iyo kolkii sii horreysay oo iigu dambeysay muuqaalkiisa. Dhab ahaan, muranka ka yeerayey dhankooda awgiis ma doonayn inaan goobta ku nagaano.

Waxaan meesha ku sugayey qof uu gaari ka hallaabay oo shaqadu ay markaas gebogebo u ahayd oo ay malaha wax toban daqiiqo ka yar u dhinnayd, kolkaas kaddibna an gurigooda u qaadi doonayey. Wadaadku, sida lugu yaqaan badigood wadaaddada, wuxuu si afdheer ugu tiraabayey wax diin ku saabsan oo nolosha u roon. Waa sida laga soo dhaadhiciyey ee marnaba maaha wax xaqiiq ah. Noloshaan hadda iyo ta marka uu geeryoodo oo uu Allah jiraa la yiraahdo oo aad u awood badan oo weliba u naxariis badan - laakiinse u dabeecad iyo xisaabtan dhow Maxamedka eebbeyaalka Barida Dhexe ka jiray ka doortay "Allah" keliya - uu dadka ku "ciqaabi" doono dab, ayuu sida cajalad la duubay oo kale ugu celceliyey wadaadku.

Da' ahaan waa qof odaynimo dhex caga-cagaynaya. Dareen ahaan wuxuu u muuqdaa nin isu haysta in uu og yahay nolosha dunidu waxay u dhigan tahay iyo waxay ka dhigan tahay. Hase ahaatee ad garan karaysid in taasi muuqaal keliya tahay ee arrimo hoose jiraan. Sidee ayuu u ogaan karin arrimaha dunida kolka ay kala yihiin - sida uu rumaysan yahay - wax Quraanka ku qoran, wax amar ama mucjuso Allah, iyo wax ay Juwish ka dambeeyaan? Anigu dhankayga, inaanan "waanada" ka helin si weyn ayay u caddayd baan filayaa. Muslim maahi waa gaarkeed waayo maddoonayo inuu suuxo. Dareenka wejigay ayaa dheelitirayey eray kasta ee an cod ku oran lahaa. Hase ahaatee waanadu waa sii socotay intii muddo ah. Aqoon ahaan odaygu wuxuu u miisaan eg yahay in uu dugsi dhexe dhammeeyey. Af ahaan dhimaalka afaftu waa isugu mid af Soomaali iyo kuwo kaleba.

Muddo yar kaddib wuxuu galay ammaan iyo bogaadin uu iigu jeedinayo maaddaama anan anigu galin "xabsi iyo waxa baas oo dadka qaarkood la haray". Waan uga mahadceliyey. Waxaanse sii raaciyey "jeel maadan galin ammaan maahan runtii". Haddaan iftiin guud kaasiiyo nolosha wadaadka inta an kala socdo, waxaa nagaaniyey waxa an ugu yeero "saddexda G (3G)" ee saboolnimadu horseeddo iyo mid kale oo ah dibedjir waashay ama qof qurbaha ku waashay. Waxay ka dhigan yihiin 3G; Garoob, Guri iyo Gargaar. Xaaskiisu waa Garoob, Guri, iyo Gargaar dowladeed. Curadkiisa jeelku waa u-joogto. Guud ahaan noloshiisu waa ayaandarro weyn. Waxay ila tahay in jalleeciddiisa cusub iyo tiiraanyada diineed ee hadda ay iyadu horseedday dibedduna culays ba'an saartay. Dhankiisa asagu, "ajar" buu raadinayaa oo diinta in uu ku dheggan yahay ayey la tahay. Waa arrin weyn. Wuxuuse ka nasiib badan yahay odaygaan. Laakiinse giddigood odaygaan oo kale ayey dhabta u beenaynayaan.

Tiraabtiisa raad-taxan wuxuu ku soo gebogabeeyey "[in] gaaladu Ilaah aqoon una tukanayn!" Waxay ila tahay taasi waxay ka dhigan tahay iyo waxay u dhigan tahay waannu ku qoslaynaa ama ku baraarugaynnaa ama labadaba. Diimaha dunida soomaray waxay ka siman yihiin in dad samaystay iyo in dad laga dhaadhiciyey. Hase yeeshee qofkaan waa loo sii maray. Kol waxaa igu soo dhacay muxuu ka oran lahaa natiijooyinka cilmi baaris saynis ee dhawaan la soosaaray. An ka weecanno ayaandarradaan, danta ayaa sidaas go'aaniyaysa.

"Qumbulad kol aad la dhacdo/Rabbiyoow wax ka qabo qoomka (sidan yeelay) qaladkan geystay..." Waa erayo kamid ah miraha heesta cusub ee la yiraahdo "Qaylo Dhaan". Kuwii qumbuladda isku qarxiyey iyo kuwii ku dhintay waxaa labadaba "Allah" looga baryayaa in qumbulad loogu aaro. Si kale, waa mindi mindi ku taag, dhiig dhiig ku daadi. Marnaba, sida muuqata, wanaag iyo samaan nooc ay tahayba lagama garwaaqsanayo diin-ku-sheegga Islam ee waa goondhaba iyo goolaaftan had iyo jeer. Kuwa ay dhulkood kol hore ku faaftay ee an garaad kale lahayn baa ugu horreynta ku talaabsada hirgelinta xeerarka guracan ee Islaam. Diimaha kale kalcagal iyo jacayl iyo cafis ayey wax u xeeriyaan. Goob Islaam dhiig baa dhiiggii daatay loogu ducaynayaa. Waxay lamid tahay dhaqannadii qabiilladii Bariga Dhexe iyo dhaqankoodii guud ee Soomaliya lala yimid ee dhanka dagaalka, siyaasadda, isticmaarka, iwm. Dunidu waa sidaas. Markaas odayga iyo gaalada uu la nool yahay oo uu la deggan yahay oo lamidka yahay dhanka diintiisa ee tibaaxaysa in Muslimku dhulka gaalada ku noolaan karin, hadduu runtii Muslim yahay oo uu "janno (an dadka madow loo oggolayn)" raadis yahay malaha waxaa la gudboon inuu isagu iska bilaabo "waanada" oo uu carriga ka dhoofo inta an Jimcaha soosocda la gaarin!

Dhan kale, odayga iyo gaalku waxay ku kala duwan yihiin oo keliya waa waxa ay rumaysan yihiin. Waa suurogal in gaalka iyo odaygu wada rumaysnaan karayaan, tusaale ahaan, in noloshu tahay dan iyo dareen (wixii la rumaysan yahay, la taransan yahay, la tuhunsan yahay, la tebi doono, iwm) keliya iyo waxyaalo kale oo badan oo nolosha la xiriira. Odaygu tiisa dar xun, ta reerkiisa, carruurta, iyo wixii la mida, wuxuu ka doorbiday ta "aakhiro" ee uu ka waaban karaynin maaddaama uu dhul gaalo ku nool yahay. In uu ku dhego sidaas oo uu ku tago meel la yiraahdo "janno," geeri kaddib, ayuu u tabaabushaystay. Taas dad badan baa rumaysan laakiin cidina marnaba ma caddaynin mana caddayn karayso. Oraah baan xasuustay "sababta ad diinaha kale u beenisay marka ad ii sheegtid baan sababta an taada u beeniyey kuu sheegayaa."

Ayaandarro, cabsi weeye arrinta odayga (iyo dad kale) togta ku nagaaniyay ee uu uga geeddiyi waayey waa hore ee ka indhosaabtay in noloshu tahay loollan ee dadku yahay labo qayb oo u kala baxa kuwo la saameeyey iyo kuwo wax saameeyey ee isaga iyo gaalku run ahaantii cidda saameysay keliya ku kala duwan yihiin. Cabsidu waxay odayga ka indhosaabtay wanaagga nolosha oo weliba ku haysaa taakooyin badan. Dhogorta ka muuqata odayga uu maankiisu sii diciifayo talo iyo ficil dhan wacan u duwi karaya hagardaamooyinka, quraafaadka la rumaysiiyey awgiis, cidina uma hayso sida guud ahaan bulshada uu kamidka yahay.

Loollankii noloshu halkaas buu ku dhammaaday saameyntiina weli halkeedii. Kolkaas ayaandarrada odaygu waxay mudan tahay "Ilays." Sababta oo ah kuwii qumbuladda ama miinada iskula qarxiyey ardaydii magaalada Muqdisho ee heesta baroordiiqa looga dhigaayay waxaa dhalay odaygaan i waaninayey oo kale. Hala yaabin waayaha iyo wixii yimaadaba...haka yeelin nacabkeenna/waxay kugu yiraahdaan. Haddaba "Ilays" arrimahaas buu ku saabsan yahay.

Waa socotaa..

6 comments:

  1. Qore wanaagsan ayaad tahay :-)

    "Dhan kale, odayga iyo gaalku waxay ku kala duwan yihiin oo keliya waa waxa ay rumaysan yihiin"

    Waxaa naga dhexeeya dadnimada iyo walaaltinimada. Arrintaas waa wax aad u muhiim.

    ReplyDelete
  2. Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay taageerada qaaliga ah.

    Dadnimo iyo walaaltinnimo waa dar wacan. :-)

    ReplyDelete
  3. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay shaqada aad heysid anigana waxaan halkaan kuugu soo diyaariyay xooga ayaadaydo quraanka ku jira oo kala hadlaya. Bal ila eeg.

    Who was the first muslim?


    "waxaad dhahdaa nabiyow waxaa lay faray inaan caabudo eebe anoo u kali
    yeeli diinta"

    "Waxaana ley faray inaan noqdo kan ugu horeeya muslimiinta"

    labadaan ayaayad waa ayaayadaha 11-aad iyo 12-aad oo kujira suurada 39-aad


    "...Waxaana dhacay Nabi muuse suuxdin dardeed, markuu miyirsadayna wuxuu yiri(
    Eebow adaa) nasahan waan kuu toobad keenaywaxaan ahay mu'miniinta kan ugu
    horeeya..."

    ayadaan kore waa ayaadada 143-aad oo ku jirta suurada 7-aad


    "Wuxuu u dardaarmay arintaas (Nabi) Ibrahim caruurtiisa, Nabi Yacquubna
    wuu u dardaarmay, wuxuuna yidhi caruurtaydiiyey Eebe wuxuu idiindoortay diinta
    ee ha dhimanina idinkoon muslim ahayn"

    aayadaan kore waa aayada 132-aad ee suurada 2-aad (al-baqarah)


    which one was created first cirka or dhulka?

    "Ma idinkaa daran abuuridda mase samada eebaa dhisay"

    "korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna"

    "Habeenkeedana madoobeeyay maalinteedada soo bixiyay(ifiyay)"

    "dhulkana markaas kadib fidiyay"

    aayadahan kore waa ayadaha 27-aad, 28-aad 29-aad iyo 30-aad oo kujira suurada
    79-aad (An-naazicaat)


    "Eebe waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas samada
    ahaysiiyey kana dhigay todobo samo, Eebe wax walba waa ogyahay."

    ayaadadaan kore waa aayada 29-aad ee surada 2-aad (al-bararah)



    How many days did it take to create the earth and the sky?


    "waxaad dhahdaa nibiyoow inku ma waxaa ka gaaloobaysaan kan (eebaha) ku
    abuuray dhulka laba maalmood..."

    "wuxuuna yeelay dhulka dhexdiisa buuro wuuna barakeeyey dhexdiisa una qadaray
    (u qiyaasay) cunnadiisa afar maalmood ..."

    "Wuxuuna Eebe ka abuuray cirka todobo samo laba maalmood..."

    aayadahaan kore waa ayadaha 9 iyo ilaa 12-aad ee kujira suurada 41-aad


    "Eebe waa kan ku abuuray samaawaadka iyo dhulka lix maalmood qaddarkood..."


    aayadaan kore waa ayaayada 4-aad ee surada 57-aad


    Will all jews and christians go to hell?


    "Kuwii rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo saabi'iinta cidii
    remeysa Eebe iyo maalintii dambe oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin
    Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodaan" 2:62


    "Kuwa xaqa rumeeyey iyo kuwa Yuhuudoobay iyo Saabi'iinta iyo Nasaara cidii
    rumeysa Eebe, maalinta dambe(qiyaamada) oo fala camal fiican cabsi korkooda ma
    ahaato iyo walbahaar(midna)." - 5:69


    "Ruuxii doona diin aan islaamka ahayn laga aqbali maayo, aakhirana wuxuu
    noqon kuwa khasaaray" 3:85

    "Waxaa gaaloobay kuwa yidhi Eebe waa masiixi Ibnu Maryama, wuxuuna yidhi
    Masiix (ciise) Banii israa'iilow caabuda Eebe ee ah Eebahay iyo Eebihiin,
    ruuxii u shariig Yeela Eebe (la wadaajiya) wuxuu Eebe ka xarrimay jannada wuxuuna
    ku hoyan naarta daalimna ma helo gargaare." 5:72

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid walaah.

    Dib u eegis kaddib waxaan ogaaday in dhammaan kala hadalka uu soo bandhigay qorahu yihiin kuwo la halmaala aayadaha kale ee Quraanka ee badi beenta iyo indho sarcaadka ku duulaya ee wax-ma-garatada lugu habaabiyo.

    Mar kale, mahadsanid. Halkaas ka sii wad guubaabta iyo geesinnimada ee toosi fulayda iyo inta weli isticmaarka ku jirta.

    ReplyDelete
  5. http://download.duck.fm/Iftin/Iftin/Haka+Yeelin+Nacabkeenna-download-mp3

    ReplyDelete