"Geesi dhereb kuma jiro"

Sunday, December 27, 2009

Dhimaalka Af Soomaaliga

Tabaha Carabtu u kufsatay waxwalba ee Soomaaliya la xiriira ayey afka Soomaaiyeedna u kufsatay. Af Soomaaligu waxa uu muddo dheer u curyaansanaa af Carabiga, oo run ahaantii dhimaallo waaweyn u geysanayey afka Soomaaliyeed qarniyo fara badan. Af Carabigu wuxuu tirtiray erayo badan ee uu af Soomaaligu lahaan jirey. Dadyow xiriir yeeshay saameyntood way baaxad weynnaaneysaa ee waxaa murugo miiran ah sida bulshoweynta Soomaaliyeed isaga gacan-bidixeeysay xanuunka uu af Carabigu ku hayo afkeenna hooyo. Kufsigaas Carabigu afka u geystay ayaa dhawaanahaan afaf kale la saanqaadeen.

Soomaalidu kobcinta af Soomaaliga waa ka hawl yaraysatay. Wahsi iyo caajisnimo iyo garasho la'aanta dadka ee massuuliyadda ka saaran afkooda ayaa afka burbur qarka u saartay. Qayb baa iskood iyo garasho yaridood awgeed u dhimaala af Soomaaliga. Waxaa carro'edeg (internet) ka buuxa dhiganeyaal an tixgelineyn higaadda iyo hiddaha af Soomaaliga oo loo qoray sidii la doono. Qoreyaasha dhiganeyaalkaasi waxay caadeysteen qorista lahjad, weer an habbooneyn, erayo an is lahayn, iyo waxyaalo badan oo afka burbur u horseedaya. Ogaal uma laha badanaa ficillada guracan ee ay ku waxyeellaynayaan afka. Hubaal inaad aragteen faallo dhigan oo ad akhriskeed, laaxinno daraadood, sadarka labaan gaarsiin weydeen.

Erayada afafka kale ee la saanqaaday gun iyo baar goyska afka baa soo badanaya oo sii kordhiyey dhimaallada af Soomaaliga. Umad afkeed lumay dhabbadeed way iska caddahay oo way lumaysaa. Eray Ingiriis ah ayaa lugu dhex dirqiyayaa weer af Soomaaliyeed. Dhimaallada cusub ee af Soomaaliga la soo gudboonaaday waxaa kamid ah tusmooyinkaan;

- waan move-gareeyey
- waan run-gareeyey
- waan print-gareeyey
- waan call-gareeyey
- waan speed-gareeyey
- waan order-gareeyey
- waan pay-gareeyey
- waan copy-gareeyey

Iyo kuwo kale oo fara badan. Waxay hormuud u yihiin lumista erayada af Soomaaliga ah ee booskooda eray af Ingiriis ah lugu karkabadeeyey. Lagama maarmaan weeye in dhammaan dadka Soomaaliyeed gutaan massuuliyadda ka saaran badbaadinta afka si uusan u lumin.

Halxiraale:

Ka tixraac jallaafada af Carabigu u dhigay af Soomaaliga ee soo saar inta eray ee dhigaalkaan ku jirta oo Carabi ah. Qarni, massuuliyad, umad..

3 comments:

  1. Walaal waa ariin aad u dhibataysan. Dhaalinyarada Soomaali waxaa maleeyaan Afka Carabeedka inaay ku muhiimtahay afkooda hooyo.

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid walaal. Waxay ila tahay haddaan anigu bartay af Soomaali cid kasta waa baran kartaa.

    ReplyDelete
  3. Waa run af kasta waa la baran kara. Waan jeclahayna afka inaan sii barto.

    ReplyDelete