"Geesi dhereb kuma jiro"

Thursday, December 10, 2009

Nebi Maxamed

"Nebi" waa eray kale ee Carbeed oo ka dhigan qof ku xiran jiraa ka weyn dunida iyo inta ku nool run iyo been tay doonto ha ahaatee. Marka dadku leeyihiin "Nebi Maxamed" waxaysan ogaal u lahayn wuxuu ahaa iyo wixii uu ku saabsanaa, isla mar ahaantaasna, waa hubaal hadday og yihiin wixii uu sameyn jirey inaysan dhallaankooda u bixiyeen "Maxamed". Isaga iyo Quraan kolkee faafeen? Maxay ahayd sababtu? Maxay dadku runtii ka yaqaaniin ninkaas ee ka ahayn wixii yaraantoodii lugu soo qubay maskaxdooda?

Quraanka badigiis waxaa la qoray geeridii Maxamed kaddib oo waxaa dhiraandhiriyey Carab taransanayey jahwareer iyo kalaguurka ku fidayey dhulkooda qarnigii 6aad. Waxaa qarnigaas Carabta aafeeyey aqoon yari iyo dhaqanrog sababay in qaarkood u sujuudaan Yuhuuddii waagaas oo ka aqoon iyo maal badnayd ee nacabnimadu dhexaadisay iyaga iyo Carabta. Waxay dantu qeexaysey badbaadista Carabta si aayahahooda iyo jiritaankoodu u lumin gebi. Maxamed iyo kooxdiisu waxay u badnaayeen dad aad u aqoon yar oo dagaal iyo indhosarcaad wax ku booba. Qorista way ku gaabiyeen guud ahaantood. Qorista Quraanka iyo geeridii Maxamed waxaa u dhexeeyey muddo aad u dheer. Kuwii Quraanka qoray miyey sixi karayeen oraah uu nin yiri waa sidaa u horreeyey? Mise Quraanku wuxuu ahaa gobay Carbeed oo ka tiro iyo tiiraanyo weynaa kuwii kale ee waagaas?

"Nebi Maxamed" wuxuu ka qaybqaatay dagaallo tiro badan oo wuxuu dhiig iyo hanti ku beerdareeyey qabsashada dhulal baaxad weyn lahaa. Wuxuu heshiisyo la galay dadyow kala geddisen oo uu horaantii dagaal ku hawaysan waayey dhulkood iyo hantidood. Kaddib wuu uga baxay ballantii goortuu xoogaystay. Wuxuu dagaallo taxan ku qaaday Mecca iyo Madina dhexdood wixii safar ahaa ee uu jidka u galay. Waxaa loogu yeeri jirey "prophet of doom" waagaas oo dadku u arkeen nin waalan oo dhiigyocab ahaa. Tabtaas Shabaab iyo Al Qaeda maanta u dhaqmaan iyagoo ku doodaya inay hayaan raadkii dhabta ahaa ee Maxamed ayey arrintu ahayd. Sooyaalkaasi ma been baa? Ma isweydiisay sababta ka dambeysa in koox kasta ee dagaal iyo argaggax ba'an ku duulaysa tiraahdo waxaannu nahay Muslimiinta dhabta ah ee ku socota tabtii "nebiga"?

Wuxuu jacayl gaara u qabay gabdhaha yaryar. Wuxuu Quraanka ku fasaxay in la kufsan karayo gabdhaha cadowga laga qabsado iyo kuwa la addoonsado inkastoo dadku si weyn u beeneeyaan jiristaas. Maragtu waa in addoonsigu maantadan dhulka Carbeed ka jiro oo wali ereyga "Cabdi" la adeegsado oo haweenku geed ku qufulan yahay geyigaas. Sooyaalku ma been sheego.

Sooyaalku waa taxane anan isbeddelin ee isbeddelku waa sida dadku u eegaan ama u fasiraan oo kaliya. Garashadu waa xaqiiqda oo an looga eexanaynin wixii lexejeclo loo qabo iyo wixii la aamminsan yahay. Maxamed wuxuu ahaan jirey sir iyo caad cidina iskama saari karayso maanta. Si kasta oo qaarkeen u laab-la-kacleeyaan oo u tiiraanyoodaan markay magaciisa maqlaan waa hubaal inaysan beentooda meel la gaaraynin oo quraafaadkoodu yahay mid ku qotoma carruur carootay caradood oo kale.

Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed ee ah "dhagax dhunkasho iyo tatoonyo waa isugu too". Taas waxaan u leeyahay waa inaysan kuwa Sucuudi Carabia u sujuuda dhankale u jeedsanaynin hadday xitaa dhabta og yihiin ee "maaweeladu" dugsiyeyso maankooda goobtaas lugu qufulay kol hore. Maaweeladu waa inaad iska dhaadhicisid in nin weyn oo magac Carbeed leh (Allah) oo daruuraha dushooda ku nool uu adiga dadka kaa jecel yahay, oo uu ku gayn doono meel wanaagsan markaad geeryooto kaddib, oo haddaadan waxaas aamminin halaagmaysid, oo uu ku siin doono 72 gabdhood oo Caraba ee Quraanku ugu yeero "Xuurral Cayn".

Ma jiro "nebi" kale ee intaas oo dagaal iyo dhiig daraadiis loo galay sidiisa oo kale oo tusaale laga shidaal qaato maaheyn ninkaas Maxamed la oran jirey. Goortaad noloshaada badigeed ku beerdarraysid Carab waa hore geeryooday (Maxamed) way adag tahay inaad dhabta jaleecdo oo waxaa ka fudud maaweelada la socota wax dhabta ka fog ee lugugu soo dhuray yaraantaa.

9 comments:

  1. dhamaan waxaad qortey waa xaqiiq, diintaan islaamka la yiraahdo ee anaga somali ahaan aan ka dhaxalno aaminsanaadeeda waalidkeen, waalidkeenana ay ka sii dhaxleen waalidkood waa diin qof waliba oo caqli leh hadduu baaritaan ku sameeyo, akhriyana qoraalada afka carabiga ku qoran ee ay diinta ku saleeysan tahay, sida Quraanka iyo waxa loogu yeero xadiis iyo buugaag qurafaad ah oo ay qoreen carnooleeyd waqti aad u fog.

    Diinta Afka carabiga ee islaamka loo yaqaan xaqiiqdi waa deen ku dhisan dhamaanteed waxa la yiraahdo
    contradiction, ama wax iska horimaanaya. contradiction

    laakiin waxaa muhiim ah inaan ogaano diinta carabta ay sameeysaey been abuurka ah ee la yirahdo islaam waa diin, da'deeda ay yar tahay jirtana kaliya 1400 sano, tusaale diinta kiristaanka markii ay jirtey 1400 sano waa mudo hadda laga joogo 600 sano diintaas masiixiga waqtigaas waxay aheeyd diiin extremist ah ee qofki yiraahda dhulka ma fidsana ee waa sida kubadda oo kale waxaa lagu eedeyn jirey inuu gaaloobay, waana la dili jirey, waqtigaas diinta kiristaanka waxay aheeyd mid la mid ah diinta islaamka halka ay maanta mareyso ooo ah diin mugdi kana horjeeda maskaxda wanaagsan.

    marka 600 sano soo socota wax baddan ayaa iska badali doonta diinta carabta been abuurka ah, dadkana waa ay ka tagi doonaan,

    sida aad sheegtay MAXAMED pedofile caruurta guursan jirey xaqiiqdii wxuu ahaa nin ku maskax ahaa diinti noolaa 1400 ka hor waayo waqtigaas qofkii kufsada gabar 9 jir ah ama qof suuqa ka soo iibsada kufsada ceeb ma aheeyn laakiin 2009 waxaas waa wax foolxumo ah, ninkii moodana nin gabar 9 jir aroosey nin holyman ah waa qof wareersan.

    diimaha oo dhana sida kiristaan bibelkooda waa wada sheeko xariir been la soo dhoodhoobey sda quraanka gabayga afka carabiga ee haddii la micneeyo aad ku qosleysid.

    ReplyDelete
  2. Walaal waad ku mahadsan tahay faalladaada. Runtii waxaad la beegatay diin-ku-sheegga la yiraahdo Islaam dhabta ay ku suntan tahay.

    Waxay adduunka ka dambeysaa, sidaad sheegtay, ugu yaraan 600 oo sannadood. Waxaa ayaandarro ah in dadkeen goortaan leeyihiin waa inaan u laabanaa sidii Carabtu u noolayd qarnigii 6aad oo ku tartamayaan midba midka kale sidii uu uga sii dhawaan lahaa qarnigaas iyagoo aamminsan inuu sidaas "Illaah" jecel yahay oo uu "janada" ku geyn doono geeri kaddib.

    Waxay u dhaqmaan sidii dad la sixray oo kale oo dhabtu ma gasho markay difaacayaan dhaqan Carbeed kaas la diimeeyey.

    "Believe is the strongest force in the universe".

    ReplyDelete
  3. We learn from 41:44 that the sincere believers have access to the Quran, regardless of their mother tongue. The disbelievers, on the other hand, are not permitted access to the Quran, even if they are professors of the Arabic language (17:45, 18:57, 41:44, & 56:79).

    Arabic is the most efficient language in the world, especially when it comes to the precise statement of laws. Since the Quran is a Statute Book, it was crucial that such laws must be clearly stated. God chose Arabic for His Final Testament because of the obvious reason that it is the most suitable language for that purpose. Arabic is unique in its efficiency and accuracy. For example, the word "they" in English does not tell you if "they" are males or females. In Arabic there is a "they" for the males, "HUM," and a "they" for the females, "HUNNA." There is even a "they" for two males, "HUMAA," and a "they" for two females, "HAATAAN." This feature does not exist in any other language in the world.

    I came to appreciate this efficiency of the Arabic language when I translated, for example, 2:228. This verse enjoins the divorcee to give up her own wishes to divorce her husband, if she discovers that she is pregnant, and the husband wishes to reconcile - the welfare of the child takes a priority. The efficiency of the Arabic language was extremely helpful in stating this law. Any other language would have made it almost impossible to point out whose wishes are to be superseded, at least not in such a few words as we see in 2:228.

    The word "Qaalataa" of 28:23, for example, translates into four English words: "the two women said." Such is the efficiency of the Arabic language.

    Another possible reason for choosing Arabic is the fact that "He" and "She" do not necessarily imply natural gender. Thus, when God is referred to as "He," this does not imply gender at all. God be glorified; He is neither male, nor female. The usage of "He" to refer to God in the English language, for example, has contributed to a false image of God. This was not helped by such distorted expressions as "Father" when referring to God. You never find such a reference to God in the Quran.

    ReplyDelete
  4. We learn from our own common sense and wisdom that the Quran is fundamentally flawed and cannot be taken as a word of a higher being and that no poor attempt to justify its flaws will work in this age of information and knowledge.

    ReplyDelete
  5. Salaan dhammaan.
    Faalleeye mid xaq waad u leedahay inaad ka hadasho mana ahan midaan anigu kuu go'aaminayo, waxaanse habboon in marka wax laga hadlayo aad dhinac walba ka joogsato, gaar ahaan waxyaabaha la xiriiri Sooyaalka, dhaqanka Diinta & Cilmiga, dhammaan arimahana wax yau baahan yihin hufnaan iyo madax bannaani dheeraad ah haddii kale waxaa lagu dhacayaa hog aan laga digtoonayn.
    Ugu dambayn waan soo dhawaynayaa Somali xor ah ujeedku ma ahan inuu diin laawe noqdo waxaase mudan in la helo rag Somali ku dhammaatay.
    Somali.

    ReplyDelete
  6. marka hore illaah baa mahad o dhan iska leh nabadgelyo iyo naxariisna nabi muxamad eebe korkiisa ha yeelo..
    intaa ka dib illaah baa ka nasahan waxad ku tilmaanteen, diinta islaamka iyo rasuulka eebana waad ku been abuurateen.
    runtii somali sidan oo kale ah waa laga filan karay in aay caalamka kasoo muuqan karan oo weliba gaalnimadooda cadeysanaya jiraan rabina diidaya, waxan weli qabada idin heysatay waxay tahay labo.
    1} diinta waxad ku cebeyseen oo cad ma heysaan? sabab aad u daliishataan in rabi la,aan koonka iska jira ma heysaan?
    2] maxaad u heysaan dadka somalida ah oo aay adduun iyo aakhiro ku badbaadi karaan? sheega oo sharaxa waxa aad tihiin, waxad aaminsantihiin, iyo waxad daliishaneysaan?Atheism maxad ula jeedaan yaadse uga danbeysan fekerkan oo aan sheydaan ka aheyn?????????????

    ReplyDelete
  7. Hadii aad rabtid in aad ogaato in quraanka uu yahay hadalka maxamad ee uusan ahayn hadalka ilaahey. Waxaad ka heli kartaa warbixintaas iyo cadeyntaas websitekaan BaaristaQuraanka.blogspot.com Halkaas waxaad ka heleysaa kala hadalka iyo isburinta quraanka ku dhex jira. Kitaabkaaga soo qaado oo website kaas aad.

    ReplyDelete
  8. Qoftii la timaada caddeyn dhab ah inuu nebi maxamed ahaa nin fiican ha la xariiro Ali Sina oo ah aasaasaha Faith Freedom International. Waxaa loo ballan qaaday in la siinaayo 50,000 doolar. Waa haddii aad wax cad oo lagu qanco la keeno. Yeey ku seegin.
    F.G. Dhammaan wadaadadii soo doontay lacagta waa ku hungoobeen!

    ReplyDelete
  9. Waxaa doontid sheeg wayo waxaa ku noshahay aduunyo waxa nacaladaaya adiga qoray waxaan iyo wixii kugu cawiyay

    ReplyDelete