"Geesi dhereb kuma jiro"

Friday, December 4, 2009

Quraanka iyo carruurta

Waligaa ma isweydiisay sababta carruurta wadaadka garka weyn barbaariyo badi u yihiin kuwo aammusan oo ad moodaysid inay maskaxda ka jirran yihiin? Waa wax an dhawr goor aniga iyo dhalin kale isweydiinnay agarti gaara dabadeed. Waxaannu ugu yeeri jirnay "suufi" oo waxaan u aragnay kuwo si kale u jirran lana dhaqmi karin carruurta kale lana jaanqaadi karin karti ahaan. Erayga "suufi" wuxuu ahaa mid Wahaabbiga iyo Salaafigu markay dalka ku soo faafeen u adeegsadeen aflagaaddo ahaan oo ku takooreen culumadii dalka laga tixgelin jiray.

Carruurta Soomaaliyeed dugsi Quraanka looma geeyo kalgacal loo leeyahay Quraanka ee waxaa loo geeyaa in lugu edbiyo, mashquuliyo, maaweeliyo ama waaridku ugu faano dadka. Markii dugsigaas la igeeyey anigu waxaan ahaa dhib miiran oo waxay ahayd meel la ii diro un oo wanaag laga rajeynayey oo kaliya la iguna mashquuliyo. Dhabtu waxay ahayd inaan dugsigaas kula kulmay kuwo iga daran oo iyagana sidayda oo kale loogu soo arooriyey meel waaridku aadaabtii uu guriga ku bari lahaa carruurta ku amaahiyey ee uu jaanis uu guriga nooga saarana u helo. Waxaa xiga niyaddhiska ahaa in waaridku moodayey inuu wanaag noo sameeyey oo uu wax fiican iyo waddo habboon nugu toosiyey. Maysan ahayn wax si qoto dheer looga fiirsaday ee waxay ahayd dhaqan iyo wixii la halmaala. "Bal dugsi Quraanka geeya inkaar qabaha!"

Runtii wixii an meeshaas ku bartay waxtar ma lahayn markaan ka foofno goonta sababta oo ah waxay gebi takoorayeen nolosha guud ee deegaanka an ku noolnahay oo wax isgalaya maahayn. Nacaybka iyo argaggaxa dugsi Quraanku nugu beeri jiray mid yar maahayn. Barashada Quraanku waxay tahay waxaa dheeraa waxa fasalkaas ka dhici jiray inta uu macalinku sii jeedo ileen cabburrin iyo argaggax baa meesha nugu hayaye. Quraanku wuxuu dhimaa maanka dhallaanka. Aqoonyahanka Nathan McKaskle (hoos fiiri) ayaa si cilmiyeysan uga sheekeynaya dhimahaas dhimka uu u geysto maanka saafida ah ee yaryarka lugu barbaariyo diin-ku-sheeggu oo waxay daaha ka rogaysaa waxa keenay in ilmaha wadaadka garka weyn noogu muuqdeen kuwo maskaxda ka jirran.

Badi waxaa wadaad noqda ruuxa noloshu ku adkaato iyo midka noloshiisu meel qarriban ku sugnaato ama wareera ee raadinaya wax uu umadda sharaf uga helo oo lugu maamuuso, marka la maamuuso wax aqoon ah oo uu dadka u soo korhinayo maleh, aayadihii buuggaas buu wax ku meermeerinayaa goor kasta.

Carruurta loo foofiyo Quraanku ma bartaan dhaqankooda iyo sooyaalkooda ee waxay bartaan wax uu nin Caraba oo waa hore geeryooday ku dhaqmay ama yiri oo an nolol maalmeedkooda milge ugu fadhiyin. Aqoon ay ku dhirindhiiriyaan noloshooda waa la gees mariyaa oo maankoodu halkaas ayuu ku basbeelaa bulshaduna laacdamtaa aqoon yari awgeed. Waa taas midda la hartay wadamada Islaamku aafeeyey qarniba ka qarni sababta oo ah wax soosaarka ugu horreeya ee dal iyo dad waa carruurta.



Sii akhri..
Mystic Brutality: Understanding religion as Child Abuse
Nathan McKaskle

www.lostlibertycafe.com/index.php/2009/11/25/mystic-brutality-understanding-religion-as-child-abuse/

8 comments:

  1. sxb caqligaaga la imow intaa richard dawkins iyo trash la mid ah noo soo tarjumeyso, West ga markaa imaadey baa adduunyada wax weyn kula noqotey, maadaama aa marki hore reer baadiya iska aheyd , diinta baro intaadan diin la'aanta aadan ku dhiman, wax ku sugayo ma hubtide. carabta haddaa necebtaheyna hadda waxaad jeceshahey kuwo caddaan ah , inferior creature,,,Nacalatullaahi Caleyk.

    ReplyDelete
  2. "Nacalatullaahi Caleyk" waxaa ku baray Carabta ee maxaad Richard Dawkins aqoontiisa u godobaynaysaa maadaama uu isaguba yahay shisheeye? Mise hadba waa kii soo hormara? isaguba hadduu Soomaaliya imaan lahaa waad ku dabafayli lahayde.

    Akhri "Fulaydaya Fikirka".

    ReplyDelete
  3. marka hore illaah baa mahad o dhan iska leh nabadgelyo iyo naxariisna nabi muxamad eebe korkiisa ha yeelo..
    intaa ka dib illaah baa ka nasahan waxad ku tilmaanteen, diinta islaamka iyo rasuulka eebana waad ku been abuurateen.
    runtii somali sidan oo kale ah waa laga filan karay in aay caalamka kasoo muuqan karan oo weliba gaalnimadooda cadeysanaya jiraan rabina diidaya, waxan weli qabada idin heysatay waxay tahay labo.
    1} diinta waxad ku cebeyseen oo cad ma heysaan? sabab aad u daliishataan in rabi la,aan koonka iska jira ma heysaan?
    2] maxaad u heysaan dadka somalida ah oo aay adduun iyo aakhiro ku badbaadi karaan? sheega oo sharaxa waxa aad tihiin, waxad aaminsantihiin, iyo waxad daliishaneysaan?Atheism maxad ula jeedaan yaadse uga danbeysan fekerkan oo aan sheydaan ka aheyn?????????????

    ReplyDelete
  4. Waan ka xorownay dhaqan Carbeedka la diimeeyey ee Islaam la magac baxay. Dhammaan inta su'aalood jawaabahoodu waxay ku jiraan degelka.

    Run bannaan la dhigo ceebeyn maaha. Hamhamta Maxamed cid ceeb siyaado ah ugama baahna oo waa kuwaas ardaydiisu maalin walba dhiig daadiya. Mise taasi ceeb maaha ee waxaad ceeb u aragtaa in wixii lugugu soo dhuray yaraantaadii wax ka duwan ad aragtid?

    Waxaad isoo xasuusisay kii muddaharaadayey ee boorkiisa ku qoray "Behead those who insult Islam" ee an ogayn in ceebtu tahay in Islaam wax bireeyo, sidii waayadii hore iyo dhaqammadii laga ilbaxay boqollaal gu'oog ka hor.

    ReplyDelete
  5. Just a thought! Horta group walba oo diin neceb ha ahaado mulxid "Atheist" ama calmaani "Secular" maxay ugu dhamaan waayeen Islam iney wax ka sheegaan, Islam maxey ugu daba wareegaan? ileen hadey diin neceb yihiin diimo badan ayaa dunida laga heystaa may critisize gareeyaan? Wierd!
    Muslims did that, muslims did this, Islam SAid that, Mohammed (SCW) done that. Get a life dude.

    ReplyDelete
  6. Other religions have gone through the same, if not worse. Islam is not picked on although it may appears that way to Muslims since they cannot comprehend that a religion might criticized or have flaws.

    Muslims kill hundreds each week and if that doesn't warrant a condemnation or criticism, what would? Islam is proudly evil and will be criticized for it. When it stops killing, then we'd have no reason to talk about its evils. And, the fact that Muslims cannot understand that is itself warrisome and directs more attention at Islam at large. We're not picking on Islam at all so have no worries.

    ReplyDelete
  7. Richard Dawkins, Christopher Hitchins, karl Marks,Ayan Hirsi and many more others are free thinkers whose ideas should be taught in schools instead of centuries-old myths and superstitions.

    ReplyDelete
  8. Can you please translate the Somali posts in English? I would really appreciate it. I can speak Somali but I have the hardest time reading it and I don't understand all of the words. Can you even summarize what its about. I know the title says "The Quran and children but don't know the rest...
    BTW I am a Somali teenage girl living in America in college and I am an atheist in the closet because my family would kill me if they knew :(

    ReplyDelete