"Geesi dhereb kuma jiro"

Tuesday, December 15, 2009

This scene from the Dark Ages is my vindication as to why I am no longer a Muslim.

Another day of bloodbath in the "religion of peace". A poor man is "convicted" of adultery by one of many warring Islamist groups in Somalia. As the "holy" Quran says, he must be punished by stoning to death. So-called "moderate Muslims" do not understand the real truth about their religion. Is their imaginary and invisible friend "Allah" happy today? If the blog was to post all the killings Islam engages on daily basis it would surely be a daunting task and it would be far too horrific in the sense that it may cause psychological problems.

Diin-ku-sheeggu waa midda kaliya ee sidaan u dhaqanta oo dagaal kula jirta adduunka oo dhan oo waliba dadkeed yihiin kuwo dhiiggoodu biyaha ka raqiisisan yahay oo kulli u muuqda inay maskaxda ka jiran yihiin, oo kula dagaallamaya haddaad su'aalo ka weydiisid, ee internet gees walba ee dunida ah lagaga yaqyaqsanayo oo lagaga argaggaxayo jaahilnimada ay Soomaali badday. Ma waxaas baa diin ah? Ma waxaas baa loo dulqaadan karaa? Ma waxaad waligiin haynaysaan "diinta maahee waa dadka oo si xun u tarjumay!"? Ma diin kale ayaa sidaas maanta waxay qortay loogu dhaqaaqaa? Ma waallidaas baad aayo ka sugaysaan?

6 comments:

  1. Addeer haddii aad Diin ka Bax ku dhawaaqday AFLAGAADADA iyo BAADILKA aad DIINTA ula imaanayso JOOGI! Dariiqa aad dooratay ee Diin La'aanta ahi, haddii uu ku waddayo bal aynu EEGNO. Waxaase Qalad iyo GEF weyn ah in meesha aad la soo fariisato AFLAGAADA iyo CAYDA QAYAXAN ee maankaaga GURACANI kuu tilmaamay balse aan DIINTA Islaamka meel ku lahayn!

    Diinta Islaamku (sidaad doonto ha kuula muuqato) waa Diin aan lahayn wax CEEB ah haba yaraatee. Uguma aadan horayn nin ka baxay DIINTA ISLAAMKA, dhab ahaantiina ahaan maysid kan ugu dambeeya ee ka BAXA; waxaanse aad ula yaabay sida ciilkaamiga leh ee aad u dhigayso hadalladaada aan MEL KA SOO QAADKA lahayn.

    Iska xar-xariiq waxaad doonto, balse KACAAKUFKA iska dhaaf. Waxaan arkaa in aad CUQDAD Qoto dheer u qabto CARABTA--taas oo aan qiyaasayo in tahay arrinta kuu horseedday Gaalnimada, Diin la'aanta, iyo inkiraadda Jiritaanka ILLAAHA iska Leh KOONKAN idil ahaantiisba. Kolley Cuqdad nafsiga aad Carabta ka qaaday waa mid aad la god gallayso haddiiba aad sidaas ku sii socoto, balse jooji CAYDAN Qayaxan ee aad meesha la soo fariisatay, haddii kale waad ka shallaayi doontaa....

    ReplyDelete
  2. Ciyaalka xaafda, sxb anba waxaan ahay nin diinta Islaamka ka baxay oo hadda Atheist ah, marka blogaada hellitaankiisa waa wax lagu farxo. Waxee tuseysaa in willi somali caqli badan oo geesiyaal ah ee jiraan. Maxaa yeelay ani run ahaan ma garanayo sababta keentey in Somali willi ee Islam ku jiraan sanadka ah 2009 ama ee willi ee difaacayaan. Haddii wakhtiga ahaan lahaa 200 oo sano ka hor waa la garan karaa sababtoo ah wakhtigaas dadkeena cilmigooda si aad uma sareen ama meesan haaysan fursad ee kaga baxaan Islam ee ku biiraan hab kale oo aduunka loo arko; ha ahaato Atheism ama agnosticism ama pantheism ama diimo kale. Lakiin maanta Somalida waxee heli karaan internet iyo library badan oo u ogaalaan kara sidee u baari lahaayeen diinta Islaamka.

    Qof walbe oo daacad ah oo maska furan ku baara diinta Islam waxuu ogaanayaa in ee diinta Islaamka ee tahay been. Diimaha oo dhan waa been. Nabi wax la dhaho ma jiro. Ilaahey na ma jiro haduusa jira na ma istaahilo in la caabudo maxee yeelay Alaahey waa damiin oo marrar badan ku dhaca taalaabo walbe uu qaado. Ka bilaaw markuu Ibliis uu asaga abuuray ka amar diiday ilaa markii uu xaawo iyo aadan ka soo buriyey janada ilaa markii uu aduunka oo dhan daad ku soo rogay oo inti killi oo badbaaday ee ahaayeen kuwi ku magan galay doonti nabi nuux... ilaa markii uu Allah soo diray nabiyo badan iyo kutaabo oo ka dhidhicin waayey dadka aduunka ku nool intooda badan ineey Allah addeecaan... Ilaahey intaas oo jeer dhacay ma istaahila in la caabudo ama la ixtiraamo? Adi is weydii, qof biniaadam ah oo manager ku aah oo shaqadiisa si fiican u sameyn waayey, ma ixtiraami laheyd? Waa maya. Marka sidee anaga u caabudnaa Ilaaheyga Islaamka?

    Teeda kale, dhag ha u taagin dadka ku dhahaya diinta Islaamka ha caayin. Kow, adi diinta Islaamka ma caaydi ee runta aa ka sheegtaa. Labo, macquul ma aha in qof Muslim ah adoo murtad ah ku dhaho diinta Islamka wax ha ka sheegin. Hadalkaas waxuu la mid yahay qof Nazi ah oo ku dhahayo qof yahuud ah, ha ka hadlin Nazism. Ama qof apartheidka Koonfurta Africa taageersanaa oo ku yiri qof madoow k. Africa ka soo jeeda inuu apartheid wax ka sheegin. Wax suuragal ma aha. Diinta Islaamka waxee fareesaa in qof walbe oo murtad noqda in la dilo. Hadaasan la dilin-na in cunsuriyad lagula dhaqmo. Sidee marka noo la dhihi karaa diinta Islaamka oo rabta in na la dilo wax ha ka sheegin?

    ReplyDelete
  3. Ku; saaxiibka soke.

    Walaal waxaan aad kaaga mahadcelinayaa garashadaada iyo garaadkaaga wacan ee kaa saaray diin-Carbeedka waallida ku duulaysa ee dadkeenna sidaas u dishay. Waan garan karaa neecawda qabow ee maankaagu dhex heehaabayo markaad diin-Carbeedka ka baxdid ee aad dareemaysid inaan bani'aadan tahay ugu horrayn ee aad waliba ismoodaysid inaad xabsi kasoo baxday.

    Waxaan kaa codsanayaa inaad si buuxda oo joogto ah uga qaybqaadatid fikrad bixinta degelkan loo sameeyey dadka adoo kale ah. Waa uu kordhayaa tiro ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu garaadkood guulay ee ka baxay diin-Carbeedka maskaxdooda geed Bariga Dhexe ku yaal ku qufushay goor hore ee way baqayaan maaddaama diintu qeexayso in la dilo ama dhogor laga dhigo oo nolosha lugu dhibo fikradoodda awgeed.

    Mahadsanid walaal,

    SomaliAtheism.blogspot.com

    ReplyDelete
  4. "waa Diin aan lahayn wax CEEB ah haba yaraatee."

    Jawaabtaasi waxay hoos taal war ku saabsan qof dhaqax lugu dilay.

    Maxay ka dhigan yihiin ereyada dhigaalka ku jira ee waaweyn? Qofkaasi ma fiyow yahay?

    ReplyDelete
  5. A Somali Christian was also recently beheaded in front of a crowd. His crime? Having a Bible and refusing to call Muhammad a prophet.

    ReplyDelete
  6. A small group of us have a bi-Weekly live Internet chat show about Islam. This weekend (Satuday 15th, 9PM GMT) our episode will be entitled "Why I left Islam." We will be talking to people about what led them to apostatise.

    If I am not mistaken you are an ex-Muslim aren't you? It would be great if you could join us on the day via Skype to let people know your reasons for apostatising. The show is watched by people of all religious inclinations, our aim is to encourage people to investigate Islam in a rational and objective way and I think hearing you talk could encourage that.

    I hope you will accept my invitation. I look forward to hearing from you.

    Pete
    (The Jinn And Tonic Show)
    thejinnandtonicshow@gmail.com

    ReplyDelete