"Geesi dhereb kuma jiro"

Wednesday, January 27, 2010

Sucuudiga oo Danyar Soomaaliyeed Musaafuriyey

In ka badan boqol ruux oo Somali ah lagana soo tarxiilay dalka Sucuudiga ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka weyn ee diyaaradaha Muqdisho, kadib markii ay keentay halkaasi mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka oo loosoo kireeyay.

Dadkan maanta laga soo dejiyay garoonka ayaa waxa ay qaarkood sheegeen in ay ku jireen xabsiyo ku yaal dalka Sucuudiga ka hor inta aan lasoo qaadin.

Dowladda Sucuudiga ayaa dhowr jeer oo hore dalkeeda kasoo tarxiishay Somali sharci darro ku joogtay halkaasi, kuwaasoo ay toos uga soo dejiyaan magaalada Muqdisho iyagoo usoo kireeya mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee ka shaqeeya Somaliya.

Kadib markii ay kasoo dageen dadkani garoonka ayaa waxa ay u kala dareereen meelihii ay ka kala yimaadeen ee gudaha Somaliya.

Xigasho; Calanka.com

No comments:

Post a Comment