Gasariir baa ka muuqda ereyada
warbaahintu adeegsato. Waxaan akhriyey ereyga "hiigsi" oo loo la
jeedo tiigaasha yool loo gol leeyahay. Higso iyo hiigsi waa ka la duwan yihiin
sida aan ogahay oo ka hore waa wax si dhakhso ah la tiigsaday, ka dambe waa
jilcinta haragga ama hilibka. Miyiga waxaa la aslaa "hiige", ama wax
af leh, oo lagu jilciyo hilbaha. Saamaha waxaa laga sameeyaa harag la hiigay. Dhagax-lool
baa lagu afeeyaa birta wax lagu hiigo (xoqo). Marka haddii ujeeddadu tahay dal
cagahiisa ku istaaga dhakhso erey waxaa ugu dhow “higsi”.
Waa guul haddii madaxdeennu hilib
noo jilcinayso oo maatada baahan baa ku miran, balse dhan walba waa lagu
hungoobay madaxda Soomaaliyeed oo ay ugu horrayso cambaarta wejigooda ku dheggan marka ay ku “hadaaqaan”
hadal aan laga fiirsan, tiraab ka maran han hogotusaalaysan wanaagsanaantooda
ama teenna intaba sababta oo ah umad walba waxay haleeshaa hoggaanka ay u
qalanto oo ku caddaysaa dadnimadeeda. Hormuudka ay u dhiibato talada dalka
waxaa lagama maarmaan ah in uu bulshada la hadli karo oo si wadar ah ugu
faahfaahin karo qorshe. Qofka leh “hiigsi” malaha asaga baa u baahan jilcin,
malaha asaga baa kakan oo u bislayn hoggaamin.
Weylaalis baa guddiyaalku garta ku
gorfayn jireen oo goleyaashu qaadaadhigi jireen gocashooyinka bulshada ku na
talo bixin jireen gogoldhigga isla markaas. Haddii maanta sidaas la yeelo ayada
oo daaro (yaryar) noo dhisan yihiin weliba ayaa waxay noqon lahayd boor-ka-jaf
dhaqan-dhalasheed tusaaleeya wanwanaagsanaanteennii waayihii fiyoobaanta
maankeenna, ayaduba waa astaan loo baahday oo wax ku oollan. Nolosha garashaysan marka ay silloonto waxay
dib-u-eegtaa hidderaaca ab’ogaaga samatabax ahaan oo ka dheegataa wanaag ay
waa’ ku liibaantay. Halkaan waxaa yoto’an gumaynta hiddewaale iyo garaadlaaweyaasha
guulallowsanaanshahooda.
Maxaa lib-seege u sheegan karaa
duruufaha oogan maanta? Qofka, tusaale ahaan, leh;
Waxaan drive-gareeyey
Waxaan plan-gareeyey
Waxaan call-gareeyey
Waxaan fund-gareeyey
Isku qaska ereyada Soomaaliga iyo
kuwa shisheeyeed wax ka dharban ma leh oo qofka sidaas yeelay waxaa la roon in
uu meesha u banneeyo qof ku firfircoon hawsha caynkaas ah. Gasariir (ama abaar
daran) baa ka muuqata ereyada siyaasigu adeegsado oo waxay dhimaashaa xaafiiska
shaqo oo qofnimadiisa ayay liiddaa waxay na hoos u dhigtaa yididdiillada dadweynaha.
Taliyenimo waa xul iyo keni-adkaansho, hodantinnimo qofeed leh waayo’aragnimo
iyo indheergarasho. Bulsho walba waxaa u kacay foolaad, sagsaaggu haddii uu
foolaad isu moodo waa gabaaraggaddoon. Hadalku na waa xiriirka koowaad oo talis
la leeyahay bulsho. Aftahannimo inkasta oo aan loo wada dhalan waa hodantinnimo
hoggaamiyeed kaalinta koowaad ku leh maamulka—oo la mid ah kartida, aqoonta,
dad-dhexgalka iyo fulinta—oo masuulku hawaawi yeelo.
Ereyga “hiigsi” oo si khaldan loo
adeegsaday waxaa amaahday weriye-ku-sheegga ka arradan talaxtegga weriyenimo oo
wuxuu u hirgalay hab kale aqoonyaraanta iyo khayrul-masuulnimada “foolaadkeenna”
awgood. Waxaa in badan la isweydiiyay “sidee burburka looga baxaa” ayada oo la
laalay ogaanta in madax-madax loo socdo oo aan qumaati loo istaagi karin teer
la engeg bixiyo gaallanaanta afka tashiga lagu wadaago. Talis ku liita afka
waxa uu adeegsan karaa afyaqaan ku talaxtegay isgaarsiinta; haatan waxaa
tifaftirka muhiimad ku leh afafka qalaad.
Tixgelinta afafka shisheeyeed waa
garasho leh afku waa seeska dawladda waa na toolmoonaan soo-jiidasho leh. Madax
dadka aan hadal la wadaagi karin wax ay soo kordhiyaan baa yar. Haatan
madaxweynaha lagu hungoobay—Xasan Sheekh—dadweynaha dareen la ma xiriiriyo oo
waa afgarooc. Afgobaadsi se waxaa lagu mutaa kal oo kolka talisku taban yahay waa
sed u gaar ah qofka og oo isku taxalujiya adeegsigiisa marka uu doono. Isla
haddana ayada oo talisku wanaag leeyahay baa marka uu dhankaan gaabiyo waxaa
dhasha is-afgaranwaa baahiya tuhun aan dhab ahayn. Mar walba muhiimadda hadalku
talis u leeyahay waa mid weyn oo guubaabisa bulshada ama niyad jebisa. Hawl ahaan
waa lagu sabsabaa dadweynaha oo loogu filaa saadaal wacan oo lagu toosiyaa
tubta toosan.
Ereyga kale oo “hiigsi” oo kale si gurracan
loo adeegsado waa “mooshin [motion]”, waxaa laga wadaa “bareere” ayada oo loo
turin afka. Af Soomaaligu waa maaddo barasho ahaan qof ku qaadan karta dhammaanshaha
noloshiisa, waa farshaxan sida Amiin Caamir loogu ka la horumaro oo aan guntiisa
la gaari karin. Haddana qof walba afka uu u dhashay inta uu ka barto ayuu
garaadkiisu yahay oo tilmaamay halka uu bulshada uga jiro, heerka
waxbarashadiisu gaartay iyo inta uu dal/dad ugu fadhiyo. Barashada Soomaaligu
waa masuuliyad saaran Soomaali walba.
Maamul goboleedyada teedsan dalka
waa ku eedeysan yihiin dhaawaca af Soomaaliga. Warmurtiyeedka ay soosaaraan
waxaa marmar lagu qoraa afaf shisheeyeed ayada oo dadku Soomaali yahay. Afyaqaan
(afceliye, afhaye, iyo afjaaq) wax badan buu tari karaa baaxaaddegnaanta arrimaha
dalka waxaa na baaqan lahaa dhalashada is-afgaranwaaga iyo wareerka ku lammaan
oo noqday gedka nolosha Soomaalida. Booskiisu waa bannaan yahay.
Wacnaan lahayd helloonsho taliye
dawga og, hidde dadnimo leh oo u dhuundaloola oo daacad u ah danaha oo isu
rogin duuflaal marka uu habeen u hoydo Villa Soomaaliya, garaadle hadalkiisu
hiraal muujiyo.
walaal afka soomaaliga inaan si fiican u barto yaan daneynayaa. Meel aad ii tilmaami karto oon ka barto iyadoo aan isleeyahay hadii erayo bixin aad sameyn lahayd maqaaladaadan wax badan yaan ka faa ideysan lahaa. Mahadsanid
ReplyDeleteWalaal,
DeleteIibso buugga naxwaha af-soomaaliga. Waxaa kaloo iibsataa qaamuuska af-soomaaliga. Waan kugu bogaadinaayaa barashada afka hooyo.