"Geesi dhereb kuma jiro"

Tuesday, September 29, 2015

Waa Maxay "Hiigsi"?

Gasariir baa ka muuqda ereyada warbaahintu adeegsato. Waxaan akhriyey ereyga "hiigsi" oo loo la jeedo tiigaasha yool loo gol leeyahay. Higso iyo hiigsi waa ka la duwan yihiin sida aan ogahay oo ka hore waa wax si dhakhso ah la tiigsaday, ka dambe waa jilcinta haragga ama hilibka. Miyiga waxaa la aslaa "hiige", ama wax af leh, oo lagu jilciyo hilbaha. Saamaha waxaa laga sameeyaa harag la hiigay. Dhagax-lool baa lagu afeeyaa birta wax lagu hiigo (xoqo). Marka haddii ujeeddadu tahay dal cagahiisa ku istaaga dhakhso erey waxaa ugu dhow “higsi”. 

Waa guul haddii madaxdeennu hilib noo jilcinayso oo maatada baahan baa ku miran, balse dhan walba waa lagu hungoobay madaxda Soomaaliyeed oo ay ugu horrayso cambaarta wejigooda ku dheggan marka ay ku “hadaaqaan” hadal aan laga fiirsan, tiraab ka maran han hogotusaalaysan wanaagsanaantooda ama teenna intaba sababta oo ah umad walba waxay haleeshaa hoggaanka ay u qalanto oo ku caddaysaa dadnimadeeda. Hormuudka ay u dhiibato talada dalka waxaa lagama maarmaan ah in uu bulshada la hadli karo oo si wadar ah ugu faahfaahin karo qorshe. Qofka leh “hiigsi” malaha asaga baa u baahan jilcin, malaha asaga baa kakan oo u bislayn hoggaamin.

Weylaalis baa guddiyaalku garta ku gorfayn jireen oo goleyaashu qaadaadhigi jireen gocashooyinka bulshada ku na talo bixin jireen gogoldhigga isla markaas. Haddii maanta sidaas la yeelo ayada oo daaro (yaryar) noo dhisan yihiin weliba ayaa waxay noqon lahayd boor-ka-jaf dhaqan-dhalasheed tusaaleeya wanwanaagsanaanteennii waayihii fiyoobaanta maankeenna, ayaduba waa astaan loo baahday oo wax ku oollan. Nolosha garashaysan marka ay silloonto waxay dib-u-eegtaa hidderaaca ab’ogaaga samatabax ahaan oo ka dheegataa wanaag ay waa’ ku liibaantay. Halkaan waxaa yoto’an gumaynta hiddewaale iyo garaadlaaweyaasha guulallowsanaanshahooda.  

Maxaa lib-seege u sheegan karaa duruufaha oogan maanta? Qofka, tusaale ahaan, leh;

Waxaan drive-gareeyey

Waxaan plan-gareeyey

Waxaan call-gareeyey

Waxaan fund-gareeyey

Isku qaska ereyada Soomaaliga iyo kuwa shisheeyeed wax ka dharban ma leh oo qofka sidaas yeelay waxaa la roon in uu meesha u banneeyo qof ku firfircoon hawsha caynkaas ah. Gasariir (ama abaar daran) baa ka muuqata ereyada siyaasigu adeegsado oo waxay dhimaashaa xaafiiska shaqo oo qofnimadiisa ayay liiddaa waxay na hoos u dhigtaa yididdiillada dadweynaha. Taliyenimo waa xul iyo keni-adkaansho, hodantinnimo qofeed leh waayo’aragnimo iyo indheergarasho. Bulsho walba waxaa u kacay foolaad, sagsaaggu haddii uu foolaad isu moodo waa gabaaraggaddoon. Hadalku na waa xiriirka koowaad oo talis la leeyahay bulsho. Aftahannimo inkasta oo aan loo wada dhalan waa hodantinnimo hoggaamiyeed kaalinta koowaad ku leh maamulka—oo la mid ah kartida, aqoonta, dad-dhexgalka iyo fulinta—oo masuulku hawaawi yeelo.

Ereyga “hiigsi” oo si khaldan loo adeegsaday waxaa amaahday weriye-ku-sheegga ka arradan talaxtegga weriyenimo oo wuxuu u hirgalay hab kale aqoonyaraanta iyo khayrul-masuulnimada “foolaadkeenna” awgood. Waxaa in badan la isweydiiyay “sidee burburka looga baxaa” ayada oo la laalay ogaanta in madax-madax loo socdo oo aan qumaati loo istaagi karin teer la engeg bixiyo gaallanaanta afka tashiga lagu wadaago. Talis ku liita afka waxa uu adeegsan karaa afyaqaan ku talaxtegay isgaarsiinta; haatan waxaa tifaftirka muhiimad ku leh afafka qalaad.

Tixgelinta afafka shisheeyeed waa garasho leh afku waa seeska dawladda waa na toolmoonaan soo-jiidasho leh. Madax dadka aan hadal la wadaagi karin wax ay soo kordhiyaan baa yar. Haatan madaxweynaha lagu hungoobay—Xasan Sheekh—dadweynaha dareen la ma xiriiriyo oo waa afgarooc. Afgobaadsi se waxaa lagu mutaa kal oo kolka talisku taban yahay waa sed u gaar ah qofka og oo isku taxalujiya adeegsigiisa marka uu doono. Isla haddana ayada oo talisku wanaag leeyahay baa marka uu dhankaan gaabiyo waxaa dhasha is-afgaranwaa baahiya tuhun aan dhab ahayn. Mar walba muhiimadda hadalku talis u leeyahay waa mid weyn oo guubaabisa bulshada ama niyad jebisa. Hawl ahaan waa lagu sabsabaa dadweynaha oo loogu filaa saadaal wacan oo lagu toosiyaa tubta toosan.

Ereyga kale oo “hiigsi” oo kale si gurracan loo adeegsado waa “mooshin [motion]”, waxaa laga wadaa “bareere” ayada oo loo turin afka. Af Soomaaligu waa maaddo barasho ahaan qof ku qaadan karta dhammaanshaha noloshiisa, waa farshaxan sida Amiin Caamir loogu ka la horumaro oo aan guntiisa la gaari karin. Haddana qof walba afka uu u dhashay inta uu ka barto ayuu garaadkiisu yahay oo tilmaamay halka uu bulshada uga jiro, heerka waxbarashadiisu gaartay iyo inta uu dal/dad ugu fadhiyo. Barashada Soomaaligu waa masuuliyad saaran Soomaali walba.

Maamul goboleedyada teedsan dalka waa ku eedeysan yihiin dhaawaca af Soomaaliga. Warmurtiyeedka ay soosaaraan waxaa marmar lagu qoraa afaf shisheeyeed ayada oo dadku Soomaali yahay. Afyaqaan (afceliye, afhaye, iyo afjaaq) wax badan buu tari karaa baaxaaddegnaanta arrimaha dalka waxaa na baaqan lahaa dhalashada is-afgaranwaaga iyo wareerka ku lammaan oo noqday gedka nolosha Soomaalida. Booskiisu waa bannaan yahay.

Wacnaan lahayd helloonsho taliye dawga og, hidde dadnimo leh oo u dhuundaloola oo daacad u ah danaha oo isu rogin duuflaal marka uu habeen u hoydo Villa Soomaaliya, garaadle hadalkiisu hiraal muujiyo.

2 comments:

  1. walaal afka soomaaliga inaan si fiican u barto yaan daneynayaa. Meel aad ii tilmaami karto oon ka barto iyadoo aan isleeyahay hadii erayo bixin aad sameyn lahayd maqaaladaadan wax badan yaan ka faa ideysan lahaa. Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Walaal,
      Iibso buugga naxwaha af-soomaaliga. Waxaa kaloo iibsataa qaamuuska af-soomaaliga. Waan kugu bogaadinaayaa barashada afka hooyo.

      Delete