Dhan walba oo ilbaxnimo haatan dhisan laga gorfeeyo
iyo si walba oo tu soo jirtay dib-u-eegis loogu sameeyo ama hab walba oo
siiyaalka saadaal looga dhiibto, waxa aan marnaba laga indhosaaban karin ta uu
reer Galbeedku hormuudka ka yahay iyo saamaynta ay dunida ku yeelatay dhowrkii
qarni oo la soo dhaafay. Horumarkaas isa soo tarayay qarniyada ayaa lahaa
marxalado ka la duwan oo uu soo maray la na soo halgamay gaar ahaan qarniyadii
16-aad iyo 17-aad oo ahaa labadii ugu waxtar badnaa markii laga soo gudbayay waayihii mugdiga ay Yurub ugu gudubtay
indhodillaacsigii sayniska. Labadaas qarni waxaa loogu yeeraa kacaankii sayniska oo u gogolxaaray gungaarka
wacdaraha tignoolojiyadda dhisaalan maanta. Waxaa barbar socday ka la soocii kaniisadda
iyo taliska oo ibo furay maan-ifaynta garashada cusub ku xukumtay maangalnimo
oo sheekooyinkii duugoobay milge tiray oo ka dhaqan galay qaaraddaas oo dabadeed
dunida kale tartiib-tartiib ugu fidayay.
Hidderaaca oo ay ku dhan yihiin tusaalooyinka
tixraaca noolaha baa dhawrkii qarni oo la soo dhaafay sayniska u foofshay laamo
dhaadheer oo mid walba mudnaanteeda leedahay, waa aragtida dheellitiran oo leh
wax walba oo nool—geed ama xayawaan—abtirsi hore ayay leeyihiin oo hiddoside ku
muujan. Habraaca baarista hidderaaca loo adeegsado waxaa ka mid ah; unug, bu’, DNA,
qalfoof, xidid, iwm. (Haa, geedaha wax badan baan wadaagnaa oo dhirta aan
calaajinno dabadeed dheefshiidkeenna aan dheellitirnayn hidderaac ahaan uu
nafaqada ka nuugo waxaa noo dhexeeya hiddosideyaal ah noole ka yimid manoole [organic
from inorganic].)
Unugyadu waxay u ka la baxaan dhawr nooc oo uu nooc
walba qaabilsan yahay hawl gaar ah; sida unugyada neerfaha, unugyada jirka,
unugyada dhiigga, iwm. Waxaa mid walba ku jira bu’ ay ka koobmaan hiddosideyaasha—qaybo
yaryar oo bu’da xiriirsan oo ah DNA—oo tiradoodu gaarayso 20,000 inta la og
yahay.
Hiddosiduhu waa anaani u nool keli ah in uu waaro
haddii kale ma tarmo, tusaale ahaan ma jiro hiddoside u hawlan in uu ititibiyo
asaaggiis ma na dhacdo in uu sidaas ku/u dhaxal reebo, hayeeshee qof ama noole
dhan oo ka samaysan baa taakuleeya tolka ama istaakuleeyaan si ay u waaraan.
Isdiiddada halkaas ka muuqata siyaalo ka la duwan ayaa aaraa’ looga bixiyay
cilmibaaristu se ay tixgelisay labadu in ay yihiin sidii isku dhoon si nooluhu
u bedbaado oo jiilal dambe u dhigo. Isdiiddooyinka noocaas ah aad ayay u badan
yihiin sababta oo ah mar waxaa khaldanaan karta garashada dadka mar kale na
sida wax loo fahmay oo aqoontuna ay kordhaysay qarni ba qarni. Marar waxaa lagu
gabraartaa dano siyaasadeed ama diineed oo eel badan ka dhalatay oo hengelo
dhigay. Saynisyahanno ahaa geesiyiin runta u hiiliyay baa qarniyo iilka loo
jiidayay ka dib markii aqoontu ka hor timid wax hore loo rumaysnaa.
Tusaale ahaan waahyahaan dambe dood gabaabsi ah baa
ka timid dhanka dhaqandhaqaalaha hantigoosadka oo isku dayaysay xoojinta hab
siyaasadeedka midigta fog isla markaas laalaysa dhaqandhaqaalaha hantiwadaagga
bidixda fog. Inkasta oo saynisku diidmo hoosta uga xarriiqay aragtiyahaas ka ma
ay duwana su’aasha leh ‘haddii dadka iyo daanyeerku xigaal yihiin, sidee
daanyeerku weli ku nool yahay?’ Taasu waxay la mid tahay ayada oo la yiri
‘awooweyaashaa/ayeeyoyaashaa haddii aad ka timid sidee baa ay weli ku nool
yihiin?’ Haddaba su’aal walba jawaab ayay leedahay waxaa se khaldan un fekerka
hore oo asna saxma marka jawaab habboon dhambalato bayooloji ahaan. Tusaale
kale waa maaddada isballaarinaysa ee su’aalaha miiran ee saykoolojiga hidderaaca
(evolutionary psychology) oo haatan u gayllan tixgelinteeda saynis ahaaneed.
Kolka la baaro noole ka samaysan unug iyo nude
[unugyo badan/xubin] oo loo barbardhigo abtirsi hore iyo degaan waxaa daahu ka
faydmaa firka nooluhu dhaxlay, sida uu ku waaray, halka uu ka yimid iyo
dhaqankiisa. Degaan bayooloji ahaan
waa geyi isku dhan oo uu noole ku dhaqmo oo qaabeeyaa nolosha oo jaadad ka la
geddisan leh, tusaale ahaan degaanka berribiyoodku waa ka duwan yahay ta xammaaratada,
labaduna wax badan baa ay wadaagaan. Berribiyood/xammaarato (amphibian/reptile)
waa lafdhabarleyaal bad iyo berri ku nool oo ku abtirsada tiktaalik — ama mallaay,
noolaa 375 milyan oo gu’ ka hor oo ay ku abtirsadaan labaduba. Degaanka iyo cunnadu
waa waxyaalaha ugu waaweyn oo ka masuul ah isbeddelka hidderaaca, waxaa kale oo
aan lagamaarmayn bakteeriyada, cimilada, da’, iwm., kaalinta ay ku yeeshaan hiddoside
oo isbeddel u horseedda.
Waa suurogal in uu isbeddel weyn oo leh bad iyo
berri ka dhasho bakteeriya saamaysay hal hiddoside dabadeed dabargooyay ama
tarmiyay noolaha oo dadku uu ku jiro. Waa na suurogal in ay dhintaan ama
dabargo’aan qaybo waaweyn oo ay bedbaadaan xayawaan yaryar—sida shinnida. Taxankaas
tiktaalik (mallaay) ka soo askumay dadku waa ka mid yahay, markaas caddaymaha
saynisku waxay u garsheeganayaan in dadka loogu yeero ‘aadmi’ sababta oo ah hal
qof oo Bariga Dhexe u dhashay oo Aadan
la oran jiray saynisku ma caddayn, caddaymaha muuqda waxay dadka ugu abtiriyreen
Geeska Afrika. Maragta ugu yar waa bakteeriyada caloosheenna dhex ceegaagta oo
tiro xad dhaaftay; waxay ka timid meel iyo ab waxayna nagu tahay waageeni nagu
larban la’aanteedna ma noolaan karno, maragta ugu weyn na waa dhammaystirka ahaanshaheenna
bayoolojiyeed.
Marka la oddoroso sida nolosha Dhulku ay ku
bilaabatay, ayada oo la arko mar uu Dhulku nolol la’aa iyo mar uu nolol
yeeshay, waa lagamamaarmaan in noolaha badda wax laga barto maadaama noloshu
halkaas ka curatay. Habka curashada nolosha badda oo ku bilowday bakteeriya
heshay ogsijiin iyo qorrax baa sababay nolosha berriga oo aan tallaabooyinkaas la’aantood
suuroobin. Dhaqdhaqaaqii ay xammaaratadu berriga ugu soo guurtay waxa uu soo
jiray malaayiin gu’ oo leh isbeddello aan sugnayn; nooluhu waa uu isa
saameeyay, dabadeed saamoobay, dabadeed waaray oo hanaqaaday. Sidaas awgeed
haddii uu yahay lohod aan laf iyo ricir lahayn ama shimbir biiba ama yaxaas
ugaarsade ah bayooloji ahaan xiriir baa ka dhexeeya muuqda ama aan muuqan oo
dhaqanwareegayay. Dhaqanwareeggii weynaa ayaa dhacay markii badda looga maarmay
ukun debedda dhigan oo suurogelisay galtibbaxa nooluhu uga maarmay biyaha badda
markii uu berriga nolol ka unkay; (i) waa uu soo xammaartay oo biyaha debedda
uga baxay, (ii) waxa uu dhigay ukumo walxaha qoyan dhasha ugu kaydiyay, (iii)
halkaas sidaas uga ab kobocday nolosha Dhulka oo tiradeedu hadda gaarayso ku
dhowaad 9 milyan oo jaad.
Waxaa tixraaca soojireenku tilmaamay in 26-27-dii milyan
oo gu’ oo kasta dhaco dabargo’ weyne xaalufiya nolosha meeraha Dhulka haddana
ay dib u bilaabato tii oo tu hore ka duwan. Isbeddelkaas ayaa saameeya cir iyo
dhul; gaasaska gibilweynaha ayaa beddela cimilada dabadeed halliga nolosha
dhulka, ama waxaa dhulka ku habsada dibdheerrada ka yimid meereyaasha ay
xiddigaha isku dhacaan ee qarxa oo iskujooggeenna qorraxeed ku soo firdha. Saynisyahannada
qaar baa ku dooday dabargo’ weyne waa muhiim si nolol cusub u bilaabato taas oo
looga tusaale qaadanayo Firdhadkii Qaraxweyne oo uunku ku dhisme bilaabay iyo
hababka meereyaashu ay mar u dhashaan oo u jiraan bilaayiin gu’ mar kale na u dhintaan
oo kuwo cusub abuurmo. Iskujoog qorraxeedkeennu waa un hal ka mid ah 200 oo
bilyan oo ku yaal diillin-caanoodka iskujooggeenna xiddigaha tirada la og yahay
keli ah, xiddiguhu na ayaga oo dhaqdhaqaaq joogtaysan leh baa jirka ay mar jiraan
mar kale na ay dhacaan yahay goor kooban, markaas xiddig meel qotomay bilyan
gu’aad baa gebi ahaan meerwareega. Haddana iskujoog xiddigeedkeenna sidaas u
weyn baa ah un hal ka mid ah boqolaal bilyan dhisaalan uun weynaha.
Saynisku waxa uu lahaa soojireen saadaal hore iyo
xaqiijin dambe leh oo la isku afgarto in ay dheellitiran tahay, sidaas ayaa
jeer ogaal cusub la daah-faydo waxaa duugooba oo ciidda loo miisaa garasho
gablool ah oo qarni hore la rumaysnaa. Qarnigaan ogaal waxaa ugu baaxad weyn
daah-furka hirarka cufisjiidadka (gravitational waves) oo ifiyay mugdi hore oo
ku saabsanaa xiriirka fagaag-gooraysada uunka. Aragtida ku saabsan hirarka
cufisjiidka oo ahayd saadaal uu lahaa saynisyahankii weynaa Albert Einstein
boqol sano ka hor waa hubaal in ay beddeli doonto waxyaalo badan oo
sooyaal/siiyaal ah sida qalabka dhulbaareyaasha ama cirbixiyeenku adeegsado.
Iskujooggeenna qorraxeed jira 4.6 bilyan baa leh jir
(mass) 99% qorraxda yahay. Cufjiidka qorraxda baa ka masuul ah meerwareegga
jibinta, xiddigaha, meereyaasha, busta, iyo gaasaska fagaagga dhex wareega. Dhulka
oo qorraxda u jira 93 mayl waxaa ilayska qorraxdu ku soo gaaraa 8 daqiiqo asaga
oo soo maray in dhan 186,282 mayl halkii ilbiriqsi oo ku cabbiran dhexrooraha
fagaagga. Sida meere qorraxda ugu dhow yahay ama uga fog yahay ayay u xawliwareeg
dheer yihiin oo tusaale ahaan meesha Dhulku hal gu’ wareego, meeraha Dusaa
waxay ku qaadataa 88 beri keli ah, halka meeraha Docay wareego 165 gu’. Isla sidaasna
ayay ka la heerkul duwan yihiin sida ay qorraxda u ka la xigaan; kulka Dusaa
waa +427c, meesha Docay qabow yahay -200c.
Meereyaashu waxay ka samaysmaan gaasas dhagaxyo ku
milmay oo cufjiid uu heerkulka tamarta qorraxeed ku sugay, tabtaas oo kale oo
keennu ku curtay baa walxaha Dhulku ka samaysan yahay sida xadiidka laga helaa
meereyaal kale balse ma maarayn karaan nolol inta la og yahay. Naytorojiinka dhiiggeenna
ama ogsijiinka hawadeenna ama kalsiyuumka ilkaha waa walxo si walba uunka uga
muuqda oo bus fagaag ugu ka la goosha xiddigaha samada sare markaas seeska
noloshu waa bus fagaag helloontay heerkul sugan oo ku abtirsada bilaayiin
xiddigood dhammaantood leh bilow iyo basanbaas. Taxanaha sidaas u xiriirsan wax
weyn ayaa uu naga barayaa uunka bayooloji ahaan iyo kimistari ahaan oo ku
saabsan haybta ay wadaagaan nolosha iyo xeerarka sayniska oo si murtiyaysan isugu
laran.
No comments:
Post a Comment