"Geesi dhereb kuma jiro"

Monday, December 21, 2009

Dhagax ku dilid

Farshaxankii dalka Denmark ee lugu sawiray ama muuqaaleeyey in Maxamed ahaa dagaalyahan iyo sidii uu dadyow tiro badan dareenkood u kiciyey farshaxankaasi waxay ka yaabisay dunida oo idil. Maskiinkii hoodolaaweyaasha waallida Maxamed qaaday daraadeed degmada Afgooye dhagaxa ugu dileen cidina dhageey-jalaq uma siin ee wuxuu warkiis ku ekaaday warbaahinta adduunka oo ku koobtay Soomaalida iyo jaahilnimadeeda oo qura.

Tabtii gabadhii degmada Kismaayo ee dhagaxa lugu diley ee maskaxdeedu qubatay oo kale ayaa isagana loo galay. Waxay labada fal ku qoran yihiin Quraanka oo waa sida Allah jecel yahay ee uu Maxamed waagiisii wax u maleegi jirey. Waagii Maxamed horumarku wuu yaraa oo mindi qof lugu dilaa waxay ahayd wax yar. Hadduu Maxamed xabad iyo waxyaalo kale hanan lahaa, sida adduunka maanta horumaray, wuu adeegsan lahaa oo taageereyaashiisana ku guubaabin lahaa inay sidaas wax u falaan. Maxamed waallidiisa qarnigii 6aad ayey dadku ka argaggixi jireen, kuwana maantadaan ayey leeyihiin waa inaan tabtiisii yeelnaa oo u laabannaa qarnigii 6aad oo sidiisii u dhaqannaa. Waxaa waallidii Maxamed kamid ahaa;

- lidmeynta ilbaxnimada
- addimmo jarid
- dhaqax ku dilaad
- dagaal an dhamaad lahayn
- adduunku waa "jihaad"
- addoonsi iyo cabburin baaxadsooran
- nacayb kulul ee Yuhuudda iyo inta uu nacab u aqoonsado
- guursoshada gabdho an qaangaarin
- aqoonta oo la godobeeyo
- ka hortagga guud ahaan horrumarka bini'aadmiga
- sareynta Carabta ee dadyowga kale
- isbeddellada ku yimaada Quraanka - siduu isagu doono
- hadal macaan oo durba dhiig daadis isu beddela

Run ahaantii Maxamed wax uu soo kordhiyey ee maanta la oran karo adduunka ayaa ku tanaadey lama sheegi karo ee an ka ahayn dad sidiisii u waalan ee uu maxad-maray iyo dagaal uu xigaaliyey burbur iyo barakac dhan walba ah. Waxay ayaandarrada ugu weyn abbaartay dadyowga an Carabta ahayn ee sida buuxda loo maandooriyey ee waallidiisu rogtay.

Waallida Maxamed waxay dadkaasi ka dhigtay sawirkeedu waa muuqaal miraayad weyn ku gibillo weyn. Waxaase ayaandarro ah in iyaga un uu ka qarsoon yahay maaddaama maskaxdoodu meel kale ku xiran tahay, hadday tahay Bariga Dhexe, iyo hadday tahay qarnigii 6aadba.

Dadka waallida iyo maandoorinta la dookhiyey kaligood ayay ka indhosaabantay in deegaankood noqday dhiigwaran, dadkoodna cagodhiig lasii qureynayo. Waxayse iyagu u jikeysan yihiin dhimasho oo waxay u socdaan - siday aamminsan yihiin - meel waxa hadda ay seegayaan oo dhan looga hibayn doono ee la yiraahdo "janno". Dhiiggooda qulqulaya wareennada waxaa raali ka ah jiraaga weyn ee "Allah" sababta oo ah waxay haystaan diinta nabadda ee dhabta ah (religion of peace).

Umadda Maxamed waxay u heelan yihiin u noolaashaha sidiisii ee toyasho kale dunida uma leh. Kol kasta waxaad ku baaraarugeysaa ruux u muuqda inuu u maran yahay xog kale ee an adduunka ku oolin. Sidaas awgeed, waa umadda kaliya ee adduukan maanta ah la tacaalaysa addimmo jarid iyo dhaqammo ku beegan waayihii ugu xumee ee sooyaalka soo mara ee lugu shuqo cayda ah "barberic". Waxaa wehelisa in dadkii la oran jirey "Baarbeeriyaanka" uu hab dhaqankoodu uu run ahaantii ka ilbaxsanaa kuwa Afgooye iyo Kismaayo masaakiinta ku tabaalaysan dhagaxa ku dilaya.

Waxa diin-ku-sheegga Carabtu horseedday maaha wax maanka saafida ha ku beermaya, sidaas awgeed, waxaa ag ordaya "culumo" nolol maalmeedkoodu ku salaysan yahay "wacyigelinta" bulshada ee, siday sheegaan garweyneyaasha uu garkoodu dhiigga la gaduutay, aysan ka maarmin ee wixii wacan joogto loogu haldhaayo. Buug la qoray 1500 oo gu' kahor wixii wagaas wax dhaafsan lagama soo guurin karayo. Dhagax ku dilaaddu inta uu buuggaasi kala waran yahay way jireysaa baan filayaa.

6 comments:

  1. Nac Nacle.. Muxamed Muxamed.... Dunida Horumartay, blah, blah war waxaaasi meel ku gaarsiin maayaan. Aragtidaadan guracan iyo nacaybka aad u qabto Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamedna, ma tihid qofkii ugu horeeyay. Gaal iyo reer Galbeed oo dhan ayaa qaba cudqad nafsigaas; waana wax la og yahay. Hase ahaatee, ma ahan taasi mid waxyeellaysa Islaamka iyo Nebiga midna. Waxaad doonto haddii aad samayso meel ku gari maysid, balse waa mid aad la god doontid adiga oo weli bartaas taagan oo ku hadaaqaya Nebi Muxamed, Dhagax ku dilid, Waddamada horumaray, blah, blah.... Tantaatab fooqal cantaatab!

    ReplyDelete
  2. Oraah Soomaaliyeed baa oranaysa; "af caytamay nin leh buu ku yaal."

    ReplyDelete
  3. si kastoow arintu ahaataba waxa tahay nin somaliyed!!!!! sida qoraalkada ka muuqato. weliba waxad isu muujineysaa in aad somalia la dooneysid in aay dhibka ka baxdo.!
    dhanka kale waxa muuqata in aad diinta islaamka ka noqotay oo aad dooratay diin la,aan iyo in aad caydo rabi nabigiisa iyo diintiisa, runtii kuwo adigan qoraalkan ku eg maahane kuwo illaahnimo sheegtay ayaa caalamkan soo maray rabi halkuu mariyay waad dheregsantahay.
    waxa lagaaga fadhiyaa waa in aad la timaado xujo cad oo lagu qanci karo cadawnimo iyo caro la heysan kari waayay waxbo ma keenan cidna waxba ugama dhaadhicin kartide wax waxan ka duwan lasoo shir tag waxan kaa filayaa in aad iisoo jawaabi doontid anigoo kuu rajeeyay in rabi uusan sidaan ruuxdiisa kaaga qaadan..

    ReplyDelete
  4. Waa runtaa oo Soomaali baan ahay. Waa runtaa oo dadkay wanaag iyo wacan la doonay. Waa runtaa oo diin Carbeedka diiday.

    Waa hagaad intaas garashadeed. Waxaad seegtay oo ad agmartay guud ahaan faallada iyo waxay ku saabsan tahay. Sidaas awgeed, su'aal maadan ka keenin qoraalka.

    Degelku wuxuu u dhigan yahay dadka Soomaaliyeed ee beryahaan tiradoodu kordhayso ee ka xoroobay dhaqan Carbeedka la diimeeyey.

    Gu' wacan baan kuu rajeynayaa!

    ReplyDelete
  5. Adigs iyo ilaahya la idiin gar naqin maayo gaalyahow

    ReplyDelete
  6. Adoo muluq ah buu adduunyada illahay kuu soo saaray, caafimaad iyo garasho ku siiyay, immissaan haysan nimcooyinkaas.
    Markaasaad bilowday in aad afka ku taagto eebihii uunka khalqay iyo rasuulkuu caalamka u soo diray.
    Markii lagu oofsado oo jirkaagu qalfoof qalalan noqdo, ayna kaa soo haraan gano qalqaloocan oo dhaadheer Munkar iyo Nakiirna kuu yimaadaan, waxaa uun ku horyaal wixii aad horay u marsatay.

    ReplyDelete