Ololihii doorashada madaxtinnimada Soomaaliya iyo loollameyaashii
tartamay iyo xildhibaannada baarlamaanka ee codeeyay iyo madaxweynihii
hore ee aqbalay tirsigii looga badiyay ayaa dhammaantood ah isbeddel
siiyaalku tixgelin doono oo waayo badan la xusuusnaan doono. Qaabkii ay
doorashadii 8-da bisha labaad, 2017-ka, ay u dhacday baa ahaa mid si
walba u qurxoonaa oo qaarad walba, dal walba, magaalo walba iyo tuulo
walba oo Soomaalidu ku nooshahay dunida ay si aan la koobi karin ugu
riyaaqeen. Waxaa hal mar cirka isku shareeray yididdiillada dadkeennu u
qabay hoggaan wanaagsan iyo dimuquraaddiyad wacan intaba.
Dhallinta oo ugu doorroonayd bulshada u hanqaltaageysay doorashada
dareenkooduna aad u sarreeyay oo weliba si aan horay loo arag ugu
kuurgalayay tartanka, isla markaas naawilayeen hoggaanka guulaystay
gunaanadkii ayay doorashadu ugu muuqatay mid siyaalo badan uga duwanayd
heerarkii/loollameyaashii/ololeyaashii hore, ayada oo ay markii hore
liidatay filashadu sababo la xiriiray musuqmaasuqla baahiyay awgiis.
Lamafilaankii dhacay maalintaas waa ku yar yahay dunida saddexaad
gaar ahaan Afrika. Waxa uu Soomaaliya geliyay safka hore marka loo eego
hannaanka dimuquraaddiyadda dunida soo koraysa. Tobanleyaal gu’aad oo
iin iyo aafo miiran leh baa hal mar isu rogay dharaaar bilicsan oo, ugu
yaraan, la iloobay dhibkii iyo dhimashadii.
Isbeddelka sidaas ah culays weyn ayuu saarayaa madaxweynaha cusub oo
badinayaa cadowgiisa, sababta oo ah damiirlaaweyaashii danaha gurracan
lahaa oo isugu jiray sokeeye iyo shisheeye aan u turayn dalka iyo dadka
oo ay riyada rumowday aydin ku tahay, waa col mar walba oogan oo fiiro
iyo feejignaan gaar ahmudan. Haddii kale hog ayay gelaysaa yididdiilada
dadkeenna.
Arrimaha Soomaaliya ku gedaaman,oo hawl badan sugayso, waa laga miro
dhalin karaa yoolka ah in dalku caadi ku soo noqdo oo dadku nolol helo.
Farogelinta dalalka deriska ah waxa ay tebaysaa in lagu xalliyo habraaca
diblomaasiyadda iyo firfircooni joogtaysan oo u muujiyaya in Soomaaliya
oo cagaheeda ku istaagta aysan waxyeello u gaysan doonin nabad
sugiddooda.
Goor walba siyaasadda dalku waa in ay tixraacayso sixidda qaladaadkii
hore soo na afjarayso wixii isafgaranwaa ah oo jira si loo tirtiro
tuhun wixii jira—xataa haddii ay u baahato guddi heer qaran ah oo si
joogto ah ugu hawlan samaynta/soocelinta xiriir togan. Garashada
hagaagsan waxa ay tilmaamaysaa in inta uu jiro tuhun u dhexeeya
Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah ay adag tahay in dalku saldhigto.
Dabcan Soomaaliya ma ay dooran karto deriska ay leedahay balse qaabka ay
deriskaas u la dhaqanto ayay dooran kartaaxumaan iyo samaan.
Jeer aan hawshaas sida cad u muuqata lagu dhaqaaqin, in goor dambe
laga cawdo farogelin shisheeyeed waxba ma tarayso—waa gedda Soomaalida
in arrin la dhayalsado marka ay waxqabad mudan tahay hadhoow se goor
dambe la calaacalo. In meel walba la la taagnaado dal hebel baa na
burburiyay ama nabad noo diiday ayadu na waxba ma tarayso. Isla mar
ahaantaas waa ay suurowdaa marka shaqadaas loo xilsaaro dad
waayo’aragnimo leh in heshiis wacan la la yeesho dalalkaas oo ay
dhammaato isximintu.
Kooxaha xagjirka ah oo sababay galtiga/soogelootiga waageeniga, waxa
ay goor kasta diiradda saaraan oo abbaaraan dadka inta ugu aqoonyar oo
ugu saboolsan, markaas cududda ugu weyn oo lagu la dagaallami karo waa
waxbarashada dalka oo la tayeeyo oo runtii ah halis ka ag dhow nabad
sugidda dalka. Dhaqaale darridii bilowday dagaallada sokeeyeed waxaa la
talantaalli ahaa oo sii raajiyey jahliga faafay oo dhaqan galay oo
Soomaalida nolosha la wadaagay gude iyo debedba.
Shacbiyadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo yididdiilada
dadweynaha oo dhinac ah iyo waxyaalihii laga bartay laylis ahaan
dhibaatooyinkii dadku soomaray oo xalkooda lagu dhiirrado ayaa ah seeska
laga bilaabi karo badbaadada isirka Soomaaliyeed. Sinnaanta,
dhaqaalaha, arrimaha debedda, waxbarashada, iyo gebi ahaantood baahiyada
jira haddii arrintu maanta joogto gorfaynta sidii waxa looga qaban
lahaa waa guul!
Sunday, April 30, 2017
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment